4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Madaxweynayaasha Soomaaliya & Jabuuti oo Tagay Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta  gobolka Hiiraan, halkaasoo madaxweynahyaasha si weyn loogu soo dhaweeyay.

Labada madaxweyne ayaa waxaa la socday wafdi wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo wasiirka Amniga Gudha C/risaaq Cumar Maxamed.

Wariyaha HOL ee gobollada dhexe, C/raxmaan Diini ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga ay ka mid ahaayeen, taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya oo uu ka xusay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qashe).

Xasan Sheeh iyo Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan, sida kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynayaasha iyo wafdigiisa ayaa la geeyay taliska ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Baladweyne, halkaasoo ay kula shirayaan saraa-kiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya.

Dhanka kale, wariyaha HOL ayaa sheegaya in ammaanka guud ee magaalada si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la filayo in wafdiga loo gudbiyo gudaha magaalada si ay indho-indheyn ugu sameeyaan.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu tago magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan tan iyo markii ciidanka ka socda dalkiisa ee qaybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afirka ee AMISOM ay ka billaabeen gobolkaas howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa isagu dhowr jeer oo hore booqday Baladweyne iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin Baladweyne inay la kulmaan mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha booqashadan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya