4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Wajigii Labaad Tababbarka Maareynta Musiibooyinka oo ka Furmay Muqdisho


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Xarunta daraasaadka sare ee Jaamacadda Banaadir ayaa shalay ka furtay Muqdisho wejigii labaad aqoon-is-weydaarsi ku saabsan maareynta masiibooyinka kaasoo ay ka qayb-galayaan aqoonyayahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid jaamacadaha dalka iyo hay’ado maxalli ah.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qayb-galay Dr. Fiqi oo ah madaxa waxbarashada mu’asasadda Jaamacadda Benaadir, hormuudka kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda, guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda iyo xubno kale.

Aqoon-is-weydaarsigan oo wejigiisa hore la qabtay sanadkii hore ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo looga hortago masiibooyinka kala duwan ee ka dhaca geeska Afrika; iyadoo wejiga labaad diiradda lagu saarayo qaybta hogaaminta (Leadership) sida uu sheegay gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.

Sidoo kale, Dalmar ayaa u mahadceliyay xubnihii ka qayb-galay tababarkii hore ee ku guuleystay inay u soo gudbaan wejiga labaad oo gaaraya illaa 18 xubnood oo ka kala socda Jaamacado ku kala yaalla Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale, kuwaasoo uu xusay inay la wadaagayaan Jaamacadda Banaadir qorshaha tababarka Maareynta Musiibooyinka oo Jaamacaddu ay u qaabilsan tahay Soomaaliya.

“Aqoon is-weydaarsigu wuxuu socon doona muddo todobaad ah aad ayuu muhiim noogu yahay, hoggaaminta iyo xiriirinta ayaa ka mid ah waxyaabaha naga maqan iyadoo dalal badan oo nagala mid ah dhanka musiibooyinka ay ka jawaabi karaan, maadaama ay heleen hogaamiyayaal iyo xariiriyaal wanaagsan, waxaana rajeynaynaa in tababarkan uu horseedi doono in Somalia ay sidaas oo kale noqoto,” ayuu yiri Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.

Dhinaca kale. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in Jaamacadda Banaadir ay soo kordhisay barnaamij cusub oo loogu magac daray (E-learning system) kaasoo uu xusay in ardaydu ay wax ku baran karaan iyagoo jooga gudaha dalka iyo dunida dacaladeeda.

Agaasimaha qaybta takhasusaadka ee Jaamaacadda Banaadir Inj. C/qaadir Xasan Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka uu tababarkan u socon doono mudadda todobaadka ah, isagoo xusay inay kordhin doonaan guruubyada ka qayb-geli doona tababaradan ayna gaarsiin doonaan illaa afar kooxood middiiba ay ka kooban tahay 30-xubnood.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah xubnihii ku guuleystay inay u soo gudbaan wejiga labaad ee tababarkan kuwaasoo ka socda Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Khaalid Cali oo ka socday Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso kana mid ah xubnaha ka qeyb qaadanaya tababarkan maareynta musiibooyinka wajigiisa labaad ayaa wuxuu ka hadlay sida ay ugu guuleysteen tababarkii hore iyo qaabka ay uga faa’iideeyeen bulshada ku nool degaanka uu ka yimid isagoo ku amaanay Jaamacada Banaadir fursada ay u siiyeen tababarkan.

Sanadkii hore ayaa sidaan oo kale Jaamacada Banaadir ay u qabatay tababarkii koowaad ee maareynta musiibooyinka kaasoo lagu qabtay hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay 30 xubnood oo ka kala yimid gobolada Soomaaliya iyo dalalka geeska afrika qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya