4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Al-shabaab oo ku baaqday in la Weeraro Ganacsiyada dalalka Reer Galbeedka


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Muuqaal ay Al-shabaab sii daysay shalay ayay ugu baaqday xoogaggeeda inay weeraraan goobaha laga dukaameysto ee ku yaalla waddamada Canada, Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee kasoo muuqday muuqaalka ayaa sheegay in si la mid ah weerarkii lagu qaaday bishii September ee sannadkii 2013-kii ka geysteen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo ku taalla Nariobi in loo weeraro goobaha kale ee ay leeyihiin dadka Yuhuuda iyo Mareykanka ah.

Al-shabaab ayaa kusoo bandhigay muuqaalkooda xarunta ganacsiga ee Mall of America oo ku taala gobolka Minnesota, sidoo kalena ay rajeynayaan inay ku qaadaan weerarro xarunta ganacsiga ee West Edmonton Mall ee Canada iyo midda ku taalla magaalada London ee Westfield Stratford.

Ruuxa muuqaalka kasoo muuqday ayaa ku hadlayay luuqadda Ingiriiska ee loo yaqaanno lahjadda looga hadlo dalka Britain, waxaana la sheegay inuu yahay ninka inta badan kasoo muuqda muuqaalada afka Ingiriiska ku baxa ee ay soo saarto Al-shabaab.

Bayaan ay soo saartay xarunta laga dukaameysto ee Mall of America ayaa lagu sheegay inay ka warhayaan goodiska loo jeediyay iyo in muuqaalka ay soo bandhigtay Al-shabaab uu ka muuqday sawirka xaruntooda, waxayna xuseen inay qaadan doonaan hanjaabadaha oo ay ku sheegeen kuwo khatar ah, ayna xoojinayaan ammaanka rugtan ganacsi.

Muuqaalka ay soo bandhigeen Al-shabaab ayaa waxaa ku jira madaxii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo dabayaaqadii sannadkii 2014-ka ku dhintay duqeyn diyaaradeed, iyadoo filimkan uu ahaa kii ugu horreeyay oo  Godane oo kooxdu ay soo bandhigto tan iyo markii duqeyn lagu dilay, sidoo kale waxaa filimka ku jiray Saalax Nabhaan oo sannadkii 2009-kii lagu dilay weerar cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, waxaa filimka ku jiray mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii Kampala ee dhacay sannadkii 2010-kii, kaasoo ahaa ruux Kenya ah oo ka bar-bar dagaalamayay Al-shabaab, waxaana weerarkaas uu galaaftay nolosha 76-qof oo daawanayay ciyaartii finalka ahayd ee Koobkii Adduunka 2010-kii.

Muuqaalka Al-shabaab ayaa muujinayay qaabkii loo fuliyay weerarkii Westgate Mall iyo xiriirka u dhaxeeyay raggii hubeysnaa ee fuliyay weerarkaas iyo saraakiisha Al-shabaab ee ku sugnaa Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya