4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Shir looga hadlay aayaha gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Shir ay isugu yimaadeen aqoonyahanno, waxgarad, haween iyo dhallinyaro reer Hiiraan ah loogana tashanayay maamul u sameynta gobolka Hiiraan, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta reer Hiiraan iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho 20-kii Feberaayo.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay ugaasyo, siiyaasiyiin, waxgarad, culummo iyo haween, kuwaasoo sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh beelaha ku nool gobolka Hiiraan iyo sidii loogu sameyn lahaa gobolka maamul, iyagoo intaas ku daray in xilligaan shacbiga Soomaliyeed ay cagta saareen dhisashada maamul-goboleedyo, reer Hiiraan-na ay bulshadaas ka mid yihiin.

Doodo dheer kaddib ayaa waxaa kulanka laga soo saaray baaq ku wajahan dhammaan dadka ku abtirsada gobolka Hiiraan ee walaalaha ah iyo dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana qodobbadii baaqaas ka mid ah;

1. Waxaa loogu baaqayaa dhamaan bulshada reer Hiiraan sida; waxgaradka, siyasaiyiiinta, aqoonyahannada, culummada, haweenka iyo dhallinyaradaba inay kasoo qayb galaan shirweyne looga tashanayo aayaha gobolka Hiiraan.

2. Dadka reer Hiiraan inay ka tashtaan aayahooda siyaasadeed, dhaqaale iyo deegaan intaba, si loo gaaro siyaasad mideysan oo horseedda xasillooni iyo horumar.

3. Dhamaan qurbo-joogta reer Hiiraan meel kastoo ay jogaan inay iyaguna ka qaybqaataan dadaallada lagu dhisayo mustaqbalkooda siyaasadeeed oo aysan ku halleyn aayahooda dad gaar ah.

4. In wada-shaqeyn toos ah ay dhex-marto dhamaan bulshada reer Hiiraan meel kasta o ay joogaan; ayna ka tashadaan aayahooda siyaasadeed iyo sidii loo dhisi lahaa maamul loo dhan yahay.

5. In reer Hiiraan meel walba oo ay joogaan ka shaqeeyaan dib u hishiisiinta dadka walaalaha ee wada-dega gobolka Hiiraan.

6. In dadka reer Hiiraan soo dhaweeyaan, taageerayaasha shirkan wada-tashiga ah ee looga arrinsanayo aayaaha gobolka Hiiraan.

7. In talada gobolka ay ka go’do dadkiisa oo Wadajira.

8. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay tix-geliso, isla markaana taageerto rabitaanka bulsho-weynta reer Hiiraan; ayna ku hagto habka ay u doonayaan in Hiiraan maamul goboleed loogu sameeyo.

Shirkan ayaa qayb ka ah shirar kala duwan oo dhawaanahan lagu qabanayay gudaha iyo dibadda dalka, kuwaasoo ku saabsan maamul u sameynta gobolka Hiiraan iyo qaabka ay reer Hiiraan u doonayaan in maamulka gobolkooda uu yeelanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya