4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Geelle oo xalay ku hoyday Muqdisho lana guddoonsiiyay Abaalmarin Qaalli ah


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa billadda ugu sarreysa dalka guddoonsiiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo xalay Muqdisho seexday, iyadoo sidoo kalena loo sameeyay xaflad casho-sharaf ah.

Xafladda casho sharafta ah oo ka dhacday madaxtooyada ayaa madaxweyne Geelle lagu guddoonsiiyay bilad, iyadoo xafladda ay ka qayb-galeen guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha, wafdigii Geelle la socday iyo fanaaniin.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xafladda ka sheegay in markii u horreysay taariikhda ay tahay in madaxweyne Qaran uu ku hoyda Muqdisho muddo labaatan sano ah, isagoo madaxda caalamka ugu baaqay inay kusoo dhiiradaan inay booqasho ku yimaadaan Somalia.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Jabuuti ay wax weyn u qabteen dadka iyo dalka Somalia, isla markaana uu mudan yahay billaddaasi iyo wax ka badan, Somailana ay waligeed illoobi doonin abaalka loo galay.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagnaan doono Soomaaliya.

“Billaddan aan is-leeyahay malaha waa lagaga fiican yahay ayaad i siiseen wax aad ii taabanaya weeye, dadka Somaaliyeed ee afka Soomaaliga ku hadlaya dhaqanka Somaliga leh ayaa ka mid ahay, waxaan Soomaali u sameeyo anigaa isku sameeyay, waxaan u qabto anigaa isku qabtay ayaan aamin-sanahay, meel arrin Soomaaliyeed laga haayo kama sii jeesan doono, ama waa jawaabayaa, ama waa hadlayaa ama waa dhiibayaa waxaan hayo,” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in taariikh gaar ah ay u ahayd xalay, isla markaana uusan garanayn wuxuu dareenkan taariikhda leh ka dhaho oo aan ahayn mahadnaq kaliya.

Xafladda Casho-sharafta ah waxaa suugaan kala duwan kusoo bandhigay kooxaha fanka ee gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya