4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo kusii jeeda Degmada Baladweyne


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sh. Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka ku wajahan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ah goobta ay ka howlgalaan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran iyadoo loo diidayo inay dadweynaha iyo gaadiidku maraan, iyadoo qabanqaabada soo dhaweynta labada mas’uul ay ka socoto magaalada Baladweyne.

Geelle ayaa Muqdisho yimid shalay oo Sabti ahayd, isagoo kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay afka hooyo, sidoo kalena dhagax-dhigay xarunta akadeemiyo goboleedka Afka Soomaaliga oo fadhigeedu noqon doono Muqdisho.

Sidoo kale, wariyaha HOL ee gobollada dhexe, C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya inuu diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweyhnayo madaxweynaha Somalia iyo kan Jabuuti ka socdo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu kulammo la qaato saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlgalaya gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii degmada Baladweyne uu tagay taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim, isagoo sidoo kalena booqday degmada Buulo-burte oo ah tan labaad ee ugu weyn gobolkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan.

Booqashada uu Geelle u ku tagayo Baladweyne ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu ku tago magaaladaas tan iyo markii ay ciidamadiisu ka billaabeen howlgalka qaybta ka ah kan Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kasoo kordha booqashada madaxweynaha Jabuuti iyo kan Soomaaliya waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya