4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Fuliyeyaashii Qaraxii Hotel Central oo la sheegay inay ka yimaadeen Holland


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in labadii qof ee isku miidaamiyay Hotel Central oo ayna dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ahaayeen laba qof oo haysta dhalashada dalka Netherlands.

Weerarkaas oo ay sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab ayaa la sheegay in 25-qof ay ku geeriyoodeen, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof oo ay ku jireen ra’iisul waasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia oo maanta loo dhoofiyay dhaawiciisa dalka Turkiga si loogu soo daweeyo.

Sirdoonka Somalia ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in labadan qof oo wiil iyo gabar kala ahaa ay haysteen dhalashada dalka Netherlands ama Holland, waxaana hay’adda sirdoonka Soomaaliya ay magacyadooda u kala sheegtay Ismaaciil Muuse oo ahaa ruuxii gaariga qarxiyay iyo Luula Axmed Daahir oo ahayd haweeney goor dambe is-qarxisay.

“Gabadhu waxay muddo afar bilood ah ka shaqeynaysay Hotel Central,” ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda nabadsugidda Somalia, iyagoo intaas ku daray. “Wiilka iyo gabadhu waxay ahaayeen laba qof oo uu xiriir ka dhexeeyo… lama hubo inay is-qabeen balse waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow.”

Weerarkan ayaa dadkii ku dhintay waxaa ku jiray laba xildhibaan oo golaha baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa iyo guddoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir. Waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ay wasiirro ku jiraan.

Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia Maxamed Cumar Carte iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Axmed Cali Jaamac Jangeli ayaa ka mid ahaa xubnihii dowladda ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen weerarka.

Afhayeenka Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, isagoo yiri. “Xoogaggeenna ayaa ka dambeeyay weerarkii Hotel Central. Waxaana ku dilnay saraakiil badan oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.”

Si kastaba ha ahaateen, weerarkii noocan oo kale ahaa ee Muqdisho ay ka geysato Al-shabaab ayaa dhacay sannadkii 2009, markaasoo hotel Shamo lagu dilay afar ka mid ah wasiirradii xukuumaddii KMG ahayd ee xilligaas ka jirta dalka iyo aqoonyahanno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya