4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
MINNESOTA oo laga xusay Maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Iyadoo laga xusayo dalal badan oo ka tirsan caalamka maalinta afka hooyo ayaa Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota waxay sannadkan qabteen xuskoodii sideedaad oo ay qabtaan, taasoo ay soo qaban-qaabiso meertada Afka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ah gole ay ku midoobeen qurbo-joog ku nool Minnesota.

Xuskan maalinta 21-ka Febaraayo o ah maalin Caalamiga ah Afafka Hooyo ayaa waxaa ka sheekeeyay Aadan Diiriye oo sheegay sababta loo xuso inay tahay kaddib markii sannadkii 1952-kii dalka Bangladesh ay arday dalkaas u dhashay u mudaaharaadeeen in afkooda hooyo iskuullada wax loogu dhigo, iyadoo dhacdadaas kaddib ay ku naf waayeen afar arday taasoo adduunku ka qayliyay; kadibna ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay maalin caalami ah oo la xuso Afka Hooyo.

Maryan Xasan oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay muhiim tahay in qofka luuqad-diisa barto kuna dadaalo; waayo waxay dadku kuwada hadlaan waa hadalka haddii aadan afkaaga hooyo ku hadlin kama mid tihid dadka ku abtirsada luuqadaada ayay ka sheegtay munaasabadda Maryan oo qortay dhowr buug oo sheekooyin caruureed ah.

Sidoo kale, waxaa xuska ka hadlay Sheekh Maxamed Shuceeb ayaa sheegay in qofka uu afkiisa hooyo ku faaano ku nasab-sheegto isla markaana barto; taasoo u fududeynaysa inuu luuqado kale barto. Wuxuuna Sheekhu uu xusay in dadka Soomaaliyeed qaarkood ay ka faanaan inay ku hadlaan luuqaddooda Soomaaliga; balse ay kugula hadlayaan luuqadaha Ingiriiska Carabiga, taas oo ah waxyaabaha ay afafku ku tirtirmaan.

Inj. Cabdi Saleebaan oo ka mid ah Meertada Afka iyo Suugaanta Soomaaliya ee Minnesota ayaa goobta kaga dhawaaqay sameynta urur ka hawl-gala oo mideeya Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa goobta lagu soo bandhigay gabayo suugaaneed; waxaana ka mid ah abwaannada; C/llaahi Xasan Ganey, Cawil Cali Waraabe iyo Aadan C/llaahi Goon-buur.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota. USA