4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Xuska Maalinta Afka Soomaaliga oo Maanta lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Xuska maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo bar-naamij loogu magac-daray xuska toddobaadka afka Soomaaliga ayaa maanta lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, afhayeenka baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, wasiirro labada dal ka socda iyo marti-sharaf kale.

Maanta oo ah 21-ka Feberaayo ayaa ah maalinta caalamiga ah oo Qaramada Midoobay ay ay u aqoonsatay maalinta Afafka dunida looga hadlo oo dhan, waxaana caalamka oo dhan maanta laga xusayaa Afafka Hooyo.

Hadal uu xafladda ka jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh ayuu kaga hadlay qorshaha ay dowladda Somalia ku doonayso inay ku ciribtirka Al-shabaab iyo in dowladda ay ka go’an tahay si ay shacabka Soomaaliyeed nabad u helaan.

“Waxan halkan maanta ku xusaynaa maalinta caalamiga ee Afka Hooyo, wax yar ka hor waxaan dhagax-dhignay xarunta Akademiyad Goboleedka Af-Soomaaliga oo Muqdisho laga dhisayo, iyadoo Muqdisho la siiyay darajadaas, ayaa haddana waxaa jirta in kooxaha nabadda diiddan ay isku dayayaan in ay shacabka carqaladeeyaan, isla markaana ay dad muslim ah oo masaakiin ah ay gummaadaan sidii shalay dhacday. Taasi ma sii socon karto, gacan bir ah ayaana ku qabaneyna, waxaanna ballan-qaadayaa in howshaan aan soo af-jarno dhawaan,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbaddiisa si weyn uga hadlay taageerada Jabuuti ay Soomaaliya la garab-taagnayd 25-kii sanno ee lasoo dhaafay oo uu sheegay in aan marnaba la ilaabi karin.

“Jabuuti waxay hormuud u ahayd dadaalladii lagu doonayay in Soomaaliya dhibka looga saaro. Waan wada xusuusanaa doorkii taariikhiga ahaa ee uu ka qaatay Allaha u raxmadee madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon oo markii dowladdeennii dhacday isugu yeeray kooxahii Somalia. Dadaalkaas wuu sii socday illaa laga soo gaaro sannadkii 2000, markaasoo la dhisay dowladdii KMG-ka ahayd, tan iyo shirkii Carta dalku dowlad la’aan ma noqon illaa aan maanta ka yeelanno dowladda haatan jirta ee rasmiga ah. Marka Jabuuti waxay kasoo baxeen kaalintii la doonayay ee walaalnimo iyo derisnimo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale si weyn ugu amaanay dowladda Jabuuti, deegaannada Soomaalida ee Kenya iyo Itoobiya iyo aqoonyannada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda kala jooga, dadaalka muuqda ee ay u galeen kobcinta iyo dhawrista Afka Soomaaliga.

“Waxaan hambalyo u diraya dhamaan Soomaalida ku nool Geeska Afrika oo aan leeyahay waa guul iyo tallaabo horumar leh in maanta la dhagax-dhigo Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo kaalin ka qaadan doonta horumarinta afkeena Hooyo, dhaqanka iyo suugaanta. Maadaama Afku uu yahay aasaaska horumarka bulsho ay gaari karto, waxaan ku boorinayaa aqoonyahannadeena in mustaqbalka dhow ay afkeena gaarsiiyaan heer aan daraasadaha culuunta kala duwan ku sameyno Afka Soomaaliga,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay doorkii Soomaaliya ay ka qaadatay halgankii xornimadoonka Jabuuti iyo taageeradii ay ka heleen Soomaaliya xoriyadda kaddib sannadkii 1977-kii.

Waxaa isna xafladda hadal ka jeediyey guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaari oo sheegay in horumarinta afka Soomaaliga uu ku xiran yahay horumarka shucuubta ku hadasha.

Ugu dambeyn, waxaa iyagana munaasabada ka hadlay wasiirrada warfaafinta iyo arrimaha dibaddda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), C/salaam Cumar Hadliye iyo xubno kale, halka dhanka Jabuuti ay iyagana ka hadleen wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka dhaqanka iyo Diinta, Aadan Xasan Aadan, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya