4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Ra’iisul Wasaaraha Britain oo Dhambaal u soo Diray Madaxweynaha Somalia


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa dhambaal qoraal ah ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Britain, David Cameron, kaas
oo ku saabsanaa taageeraada Britain iyo Beesha Caalamku ay u hayaan Soomaaliya, waxaa soo gaarsiiyay madaxweynaha dhambaalkaan danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya, Neil Wigan.

Ra’’iisul wasaaree Cameron ayaa warqaddiisa ku xusay in Britain ay weli ka go’an tahay in Soomaaliya ay gacan ka siiso siiyo xaqiijiinta Hiigsiga cusub ee sannadka 2016-ka, si ay dalka doorasho uga dhacdo.

“Madaxweyne kulankii aan ku yeelannay New York markii uu socday shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay waxaan kuu xaqiijiyay inay naga go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016-ka, haatanna waaxan kuu caddeynayaa in weli ay taasi naga go’an tahay, isla markaana aan qirayo in wax badan la qabtay tan iyo bishii September ee sannadkii 2012-kii,’’ ayuu Cameron ku sheegay warqaddiisa.

Sidoo kale, Cameron ayaa sheegay in walow guulahaa la gaaray, haddana ay jiraan qodobo muhiim ah oo la doonayo inay Soomaaliya xoogga saarto si loo xaqiijiyo fulinta Hiigsiga 2016-ka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, la-dagaalaanka musuq-maasuqa, amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

David Cameron ayaa dhanka siyaasadda ka xusay muhimada ay leedahay wada-shaqeyn dhexmarta madaxda Somalia, isagoo dhanka kalena ku amaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhismaha maamullada gobollada, balse loo baahan yahay in la sameeyo wada-xaajood wax ku ool ah oo la xiriira qaabka awoodaha iyo qaybsiga kheyraadka.

Wuxuu kaloo ra’iisul wasaarha Britain ka codsaday dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin loogu diyaar-garoobayo doorashooyin Soomaaliya ka dhaca oo ku sameysan dimuqraadiyad sannadka 2016-ka.

Mar uu ka hadlay dhinaca la-dagaalanka musuq-maasuqa ayuu David Cameron wuxuu soo dhoweeyay tallaabooyinka illaa hadda ay Soomaaliya qaadday. isagoo yiri. “Waxaan ku faraxsanahay madaxweyne in sannadkan aad ku dhawaaqday in uu yahay sannadkii la-dagaalanka musuq-maasuqa, waana tallaabo aan soo dhaweynayo. Waa inaad dhaqan-gelisaan qaab isla xisaabtan maaliyadda oo hufan, waayo tani waxay idin ka saacidaysaa hagaajinta amniga, xasiloonida dalka iyo dhismaha bulsho horumarsan, waxayna dhanka kale kalsooni weyn siinaysa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay maal-gashadaan Soomaaliya.”

Ra’iisul wasaaraha Britain wuxuu sidoo kale dhambaalkiisa qoraalka ah ee uu u soo diray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga hadlay muhimadda dar-dar-gelinta in la isku dhafo ciidamada gobollada kala duwan ee dalka, si loo helo ciidan astaan Qaran leh, isla markaana ay Britain diyaar u tahay haddii hawshaas la hirgeliyo inay taageero maaliyadeed ku kabto ciidamada Somalia, sidii ay horay ugu ballan-qaaday shirkii ka dhacay magaalada London.

Gargaarka bani’aadamnimo ee loo fidiyo Soomaaliya ayaa ra’iisul wasaare David Cameron wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay 25% ku kordhisay sannadkii 2014-kii ee lasoo dhaafay kaalmada ay siiso Somalia, isla markaana UK ay sii wadi doonto inay horseed ka noqoto isku dubbaridka kaalmada caalamiga ah ee Soomaaliya loo fidiyo.

Dhambaalka ra’iisul wasarare Britain ayaa dhanka kale lagu xusay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee la-dagaalanka argagixisada iyo in UK ay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay madaxda Soomaaliya si ay u guuleystaan dadaalada dib u dhiska Somalia iyo hirgelinta Hiigsiga 2016-ka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa markii uu dhambaalkaas guddoomay kaddib, wuxuu danjiraha Britain ee Somalia, Neil Wigan u caddeeyay inay dowladdiisu ku faraxsan tahay dhambaalkan qiimaha leh, isla markaana uu jawaab qoraal ah u diri doono ra’iisul wasaare David Cameron.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya