4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Maalinta Af Somaliga oo Maanta laga xusay Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka qaybgallay Maalinta Qoraalka Af Soomaaliga oo xus loogu sameeyey magaaladda Hargeysa.

Xuskan ayaa waxa soo abaabulay Wasaarada Warfaafinta DHaqanka Iyo Waciyi Galinta Somaliland iyo ururka qorayaasha Somaliland, Waxaana Ka Soo Qeyb Galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici  Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdilaasi Daahir Cukuse, Wasiirka Wasaarad Wax-barashada Samsam Cabdi Aadan, Abwaano ,Fanaaniin ,Wax Garad, Qoraayo Iyo Masuul Kale Oo Ka Tirsan Wasaarada Warfaafinta.

Sidoo kale, waxaa munaasibaddan ka soo qaybgallay Abwaanno waaweyn iyo wariyeyaal rug-cadaaya, kuwaas oo ka warbixiyey qiimaha uu afka hooyo u leeyahay mujtamaca.

“Waxaa aynu Isku Deyi Doonaa Inaga Iyo Ururada Ku Mashquulsan Hawashaasi ee Doonaya In Ay  Ka Adeegan Baahida Loo Qabo Afka Somaliga In Aynu Gacan Qabano Isla Markaana ay yaguna Dib U Soo Celiyaan  Afkii Somaliga “  Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cukuse.

Madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa sheegay in maalinta af soomaaliga bulshada Afka Soomaaliga ku hadla qiimo weyn u yahay, isla markaana loo  baahan yahay in la ilaaliyo af ka iyo qoraalkiisa.

“Umud Waliba Waxa ay Ku Faanta Afkeeda Hooyo Iyo Dhaqankeeda Iyo Diinteeda Waxaana Marka Hore Mahad Leh Cidii Qortay Afkeena Hooyo Oo Aan Leeyahay Intii Dhimteyna Ilahay Ha U Naxriisto Intii Kalna Ilaahay Ha Ilaaliyee Waxaana Aan Jecelahay In Aan Halkan Idiinka Cadeeyo In Cid Kasta Afkeena Ilaalintiisa Waajib Ka Saaran Yahay”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdirmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici .

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qoraayaal iyo Abwaanno, waxaana halkaasi lagu soo bandhigo Riwayad ka hadlaysa qiimaha af soomaaliga u leeyahay bulshadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland