4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Abuukar Qaaddiid oo Puntland ka bilaabay olole ka dhan ah Jaadka (Sawirro)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha La-dagaallanka Qaadka, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) ayaa booqday dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla magaalada Garowe, halkaasoo uu kulan kula yeeshay ardaydda iyo maamulka dugsigaas.

Ahmiyadda kulanka ayaa xambaarsanaa gaarsiinta goobaha waxbarashadda farriinta la-dagalanka qaadka, boqollaal arday ah ayuu u jeediyay Abuukar Cawaale (Qaad-diid) khudbad xambaarsan dhibaatooyinka laga dhexlo qaadka iyo sida loogu baahan yahay in laga hortago arrimahaas.

Ugu horreyn mamulka iskuulka Gambool ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalka gaaban uu Qaad-diid maanta kasoo gaaray iskuulkooda; waxayna sheegeen inay taageersan yihiin olalaha la-dagalanka Qaadka kaasoo ka hor-tagga waxyeellada muuqda ee uu Qaadku ku hayo dadka Soomaaliyeed.

Dadkii ka hadlay kulanka inta uu socday waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha cayaaraha gobalka Nugaal, C/risaaq Nuur Halac, wuxuuna soo jeediyay in dhallinyaradda Puntland looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan la-dagalanka qaadka, kaasoo majo-xaabiyay dhaqaalihii dadka Soomaaliyeed iyo weliba caqligoodii.

Qaar ka mid ah ardayda Gambool oo hadlay ayaa su'aalo waydiiyay Abuukar Cawaale, waxayna su'aalahaas u dhacayeen sababta ku kaliftay inuu Qaadka la-dagaalamo iyo xilliga uu billaabay, iyagoo ardaydu ay xuseen inay qayb ka siin doonaan waqtigooda ka wacyi-gelinta Qaadka kuwa cuna, ayna gaar-siinayaan xaafadahooda si loola wada socdo dhibaatada Qaadku leeyahay.

Abuukar Qaad-diid ayaa ka hadlay heerarkii uu soo maray dagaalka siyaasadeed ee ay ku soo qaadeen Soomaaliya dalalka Qaadka u soo dhoofiya; wuxuuna xusay dal kasta inuu horumariyay dhallinyaradiisa, loogana baahan yahay ardayda Gambool inay arrintaas u kacaan oo ka hortagaan qaadka, wacyi-galintiisana sii xoojiyaan.

Ugu dambeyn, Cawaale ayaa u mahad-celiyay wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Puntland, Cali Xaaji Warsame, isgaoo sheegay inuu yahay mas’uul garab-taagan olalaha la-dagalanka Qaadka isagoo ku gudo jira in manhajka waxbarashadda Puntland lagu daro daruusyo ka hadla waxyeelada Qaadka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya