4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
GEELLE: Dadka Soomaaliyeed way Gaarayaan Ujeeddooyinkooda (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray xarunta Somalia ee Muqdisho, iyadoo booqashadan ay noqonayso middii labaad oo uu ku yimaado magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, raiisul wasaare, Sharma’arke, xubno ka tirsan wasiirrada, baarlamaanka, taliyeyaasha ciidamada, safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble, taliyaha ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inay booqashadan ka tarjumeyso taagaerada mar walba uu madaxweyne Geelle iyo shacabkiisuba la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah in mar kale walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho nagu soo booqdo isagoo hoggaaminaya wafdi ballaaran. Abaalka ay noo gashay Jabuuti ma ilaabi doonno, waayo waxay nasoo garab qabteen xilli aad u adag, waxaana muuqata in weli dadaalkaas iyo taageeradaas ka daalin. Naf iyo maal ayay inoo hureen… waxayna safka hore kaga jiraan dagaalka aan ku doonayno inaan dalkeenna kaga saarno cadowga. Waxaan leeyahay madaxweyne kusoo dhawow dalkaaga labaad iyo shacab ku jecel,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti Geelle oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay shalay Muqdisho, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabab.

“Waan idin la qaybsanayaa dhibaatada shalay dhacday, balse kooxaha ka dameysay falkaas Islaamka ka baxsan waxaan u sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan, isla markaana argagaxa lagu hayo aanu ka joojin doonin inay gaaraan himilooyinka ay leeyihiin oo ay ugu horreyso inay nabad buuxda iyo barwaaqo gaaraan Ilaahay idankii,’’ ayuu yiri Geelle.

Ugu dambeyn, inta ay wafdigan joogaan Muqdisho waxay kulammo la yeelan doonaan madaxda sare ee Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha iyo mas'uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya