4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Xasan iyo Geelle oo dhagax-dhigay akadeemiyada Af Soomaaliga (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Madaxweynayaasha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhagax-dhigay xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga oo laga hirgelinayo Muqdisho, iyagoo sidoo kale ka qaybgalaya munaasabad lagu xusayo afka Soomaaliga.

Geelle iyo Xasan Sheekh ayaa wadajir u dhagax-dhigay akadeemiyada oo la filayo inay noqoto mid wax weyn kusoo kordhin doonta afka Soomaaliga oo dadaal weyn loogu jiro horumarintiisa.

“Waxaan ugu horreyn u tacsiyeynayaa dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho shalay…. Dowlad ahaan aad ayaan uga xanuunsanaynaa falkaas, waxaana aaminsanahay in falkaas uu ahaa mid shisheeye ay lug ku leeyihiin oo aanay rabin in Soomaaliya ay dagto,” ayuu yiri Geelle oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda xuska Afka Soomaaliga.

Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka socda deegaannada afka Soomaaliga looga hadlo ee Kenya iyo Itoobiya, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo munaasabad tan oo kale ah Muqdisho lagu qabto.

“Horumar ay ku tallaabsato ummad walba waxaa sldhig u ah qiimeysnta afkeeda, shacabka Soomaaliyeed, kuwa Jabuuti iyo kuwa kale ee ku nool deegaannada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya waxay halkan ku go’aansadeen dhismaha akademiyadan oo fure u noqonaysa kobaca afka Soomaaliga iyo dhaqankeenna iyo weliba inuu horumar sameeyo dhaqaalaha bulshooyinka Soomaalida Geeska Afrika,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Munaasabadda halka ay ka dhacayso ayaa waxaa lagu xardhay agabyo kala duwan oo ka tarjumaya dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay miraha kala duwan ee ka baxa dalkeenna sida Qaraha.

Akadeemiye goboleedka bariga Afrika ee Afka Soomaaliga ayaa waxaa laga dhisi doonaa degmada Shingaani ee gobolka Banaadir, iyadoo Xasan Sheekh iyo Geelle ay sheegeen in xaruntan ay muhiimad u leedahay horumarinta afka Soomaaliga.

Wafdiga la socda madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa ka mid ah, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka dhaqanka iyo arrimaha Diinta, Aadan Xasan Aadan, guddomiyaha Dekedaha dalka Jabuuti, Abuukar Cumar Xaddi, la-taliyaha madaxweynaha Jabuuti, Xaashi C/llaahi Orrax iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya