4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Madaxweynaha Jubbaland oo Cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) —  Madaxwene Maaamulka Jubbland  Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madowbe) oo maalintii shalay Dib ugu Soo laabaty magalada kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday mid kamid ah hoteellada ku yaal Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Hotel Central ee magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dadkii ay dhaawacyada kazoo gaareen qaraxaasi.

Madaxweeynaha ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo ah islamarkaana ay geeysanayaan dad uu ku tilmaamay waxmagarad, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay aad uga foojignaato weerarrada caynkan oo kale ah.

“Waxaan oran lahaa maamullada Soomaliya ka jira iyo masuuliyiinta dolwadda kuligood arintaasi waxay u baahantahay dadaalkeeda inuu noqdo mid laga run sheego, oo nin aan adiga ku deeyneyn oo berito ku dilayo in aad qaraabonimo kusoo dhaweeysato waa dhibaato,” ayuu madaxweeynaha hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale, madaxweeynaha oo ka warbixinayay safar uu ku aaday dalka Kenya ayaa sheegay in mudadii uu dalka ka maqnaa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dowladda Kenya iyo xubno ka tirsan beesha Caalamka.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay ka wada hadleen sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay uga suganyihiin Jubooyinka iyo arimo ku saabsan horumarinta deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.