4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
RW ku xigeenka Somalia oo loo duuliyay Turkiga iyo RW oo dib u soo Laabtay

Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa xubnihii shalay ku dhaawacmay weerarkii lala beegsaday Central Hotel ayaa maanta loo duuliyay Turkiga si loogu soo daweeyo, iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Dhaawaca ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa lagu qaaday diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho timaadda, iyadoo xubnihii la dhaawacmay ay ku jiraan isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo weli lagu daweynayo.

Weerarkii Central Hotel oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxay dhaawacyo kasoo gaareen, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo ay ku dhinteen xildhibaanno iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Banaadir.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu aaska hooyadiis marxuumad Ruqiyo Macallin oo dhawaan ku geeriyootay dalka Canada uu kasoo qaybgalay.

“Weerarkii Muqdisho ka dhacay waxaa toos lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo xilligaas u taagnaa gudashada salaadda Jimcaha, wuxuuna ahaa fikir qaldan oo ay xambaarsan yihiin kooxaha nabadda kasoo horjeeda, laguna dagaalamayo diinteena suuban,” ayuu yiri Sharma’arke.

RW Sharma’arke ayaa Alle uga baryeynaa inuu jannadiisa ka waraabiyo intii ku dhimatay weerarkaas, isagoo intii dhaawacyadu gaareenna caafimaad u baryay.

“Falkan wuxuu na-tusayaa in nabad-diidku ahi ay dadkeenna Soomaaliyeed u qabaan cadaawad weyn, kuna beegsanayaan masaajidda iyo goobaha lagu cibaadaysto. Waxayna kasoo horjeedaan Somalia oo nabad ah, midaysan, isla markaana horumar ku tallaabsatay, mana aqbalayno dhaqamada noocan oo kale ah,” ayuu hadalkiis ku daray Sharma’arke.

Isagoo sii hadlaya RW Somalia ayuu yiri. “Xukuumadda Somalia iyo shcabka Soomaaliyeed oo midaysan waxay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan sidii dalka loo xasilin lahaa, loogana hortagi lahaa kooxaha caadaystay weerarada waxashnimada ah.”

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa sheegay in xalay kulan deg-deg ah ay ku yeesheen Muqdisho madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamud, golaha wasiirrada iyo laamaha amniga, kaasoo looga dooday laguna sameeyay laba guddi oo midkood uu baaritaan ku sameeya sidii wax u dhaceen, halka kan kalena uu gacan ka gaysanayo sidii gar-gaar caafimaad loogu fidin lahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaas.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu RW Cumar ugu baaqay shacabka inay gacan ku siiyaan ciidamada amaanka howlaha lagu sugayo amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya