4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Jilaaga Barkhad Cabdi oo ka Warbixyay Booqasho uu ku Tagay dalka Somalia


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi oo horey wax uga matalay filmkii Captain Phillips ,isla markaanaTom Hanks  kula tartamay biladda Oskarka ayaa ka warbixiyay booqasho uu ku tagay qaybo kamid ah Soomaaliya.

Waxaa Barkhad oo dhinaca kaalmada kala shaqaynaya hay’adda Adesso uu indhiiisa ku soo arkay horumarka nabadeed ee Soomaliya ,inkastoo wali ay jiraan caqabado dhowr ah oo ay wajahayaan shacabka ka soo kabanaya colaadihii sokeeye.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan suurtagal ka dhigay safarka aan ku imid dalkii aan ku dhashay,isla markaana aan arko isbadalkii dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay “ayuu yiri Barkhad oo ka hadlayay booqashada uu ku tagay deegaanno katirsan Puntland.

Barkhad meelaha uu booqday waxaa kamid ah gobolka Bari deegaanno badan oo hoos taga oo ay ku jirto magaalada Bosaaso ,isagaoo  la kulmay kuluumayasto badan oo ka cabanaya maraakiibta shisheeye ee jariifka ka gaysanaya xeebaha Somaliya.

“Waxaan ku raja weynahay inaan gudbiyo sheeko ka duwan tii hore ,waxaa jira jiilal lumay balse ,waxaaan doonayaa in ka qayb-qaato caawinta Somaalida “ayuu mar kale yiri Barkhad.

“Markii aan tagay Soomaaliya ma arkin colaado ,abaaro iyo waliba gaajo ,waxaan indhahayga ku soo arkay dad naftooda horumarinaya,sababta ay tani u dhacayso waa kaalmada ay ka helaan qoysaskoo dadibadda kunool” ayaa kamid aha hadalada Barkhad.

Ugu danbayn, Barkhad oo ay Soomaaliya ugu danbaysay isaga oo todobo sano jir ah ayaa ka dalbaday dowladda Maraykanka in la fasaxo xanibaadda lagu soo rogay xawaalidhii lacagta usoo diri jiray Somaliya si dad badan loo bad-baadiyo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]