4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Madaxweynaha Jabuuti & Wafdi uu horkacayo oo Muqdisho yimid (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray manta Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka mid ah golayaasha dowladda Somalia.

Geelle ayaa dhagax-dhigi doono xarunta Akadeemiye goboleedka Af Soomaaliga oo lagu wado inay xarunteedu noqoto Muqdisho, wuxuuna ka qayb-geli doonaa munaasabad ku saabsan maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo lagu qaban doono Hoteelka City Palace.

Amniga Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wufuud kala duwan oo ka socda ka deegaanka looga hadlo afka Soomaaliga ee Kenya iyo dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa socota qaban-qaabada munaasabada lagu xusao Afka Soomaaliga, iyadoo lagu xardhay hoteelka ay ka dhacayso agabyo kala duwan oo ay Soomaalidu hidde iyo dhaqan u leedahay.

Waddada Maka Al-mukarama oo ah kan ugu muhiimsan Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidammo fara badan oo ilaalinaya, inkastoo gaadiidka iyo dadweynuhu ay si caadi ah u isticmaalayaan.

 Booqashadan madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa noqonaysa tii labaad oo uu ku yimaado Muqdisho, isagoo horay u soo u soo booqday xilligii ay abaaraha macluusha sababay ka dhaceen Soomaaliya sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya