4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Maamulkii & Ilaaladii Hotel Central oo wax laga weydiinayo weerarkii dhacay
Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Hay’addaha amniga dowladda Somalia ayaa sheegay in 12-qof loo xiray weerarkii shalay ka dhacay Hotel Central, kaddib markii hoteelkaas lagu weeraray gaari qarxa iyo qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadka la xiray ay isugu jiraan ilaaladii hoteelka iyo labo ka mid ah mas’uuliyiintiisa, kuwaasoo su’aalo laga weydiinayo weerarkaas.

“Qaraxyadii Hotel Central waxaa loo qabtay 12-qof, labo ka mid ah waxay ka mid yihiin mas’uuliyiinta hoteelka, tobanka kalena waxay isugu jiraan ilaalo iyo shaqaalihii hoteelka, waxaa rumeysanahay inay fududeeyeen weerarka iyo gaarigii gudaha hotelka ku qarxay, wali baaritaanno ayaa socda,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha.

Sidoo kale, C/risaaq Maxamed Cumar ayaa ugu baaqay milkiilayaasha leh hoteellada ku yaalla Muqdisho inay mas’uuliyadi ka saaran tahay sugidda amniga shaqsiyaadka iyo mas’uuliyiinta deggen hoteelladooda.

Gaariga miineysan ee ku qarxay hoteelka ayaa la sheegay in lagu diyaariyay gudaha hoteelka, lana dhigay masaajidkii ay ku tukanayeen mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale.

Weerarka labaad oo isna qarax ahaa ayaa waxaa fuliyay qof miineysan oo loo maleynayo inay haweeney ahayd, iyadoo dowladduna ay u magacowday guddi baaritaanno ku sameynaya weerarkaas.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa waxay dhaawacyo kasoo gaareen ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Somalia, Maxamed Cumar Carte, wasiirro iyo xildhihbaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya