4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Beesha Caalamka oo si Adag ah u Cambaareysay Weeraradii Hoteelka Central

Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Golaha Ammaanka ee QM ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Hotel Central lagu qaaday shalay, kaasoo ay ku naf-waayeen 25-qof oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo baarlamaanka DFS ka tirsan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso, isla markaana aanu hor-istaagi karin horumarrada la gaaray iyo is-garab-taagga Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa isna weerarkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah, iyadoo dad cibaadeysanaya la qarxinayo, wuxuuna intaas ku daray inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dowladda Somalia iyo shacabkeeda.

Sidoo kale, weerarkan waxaa cambaareeyay Midowga Yurub iyo Mareykanka iyagoo sheegay in dowladda Somalia ay ka taageerayaan xaqiijinta amniga hay’adaha dowladda, waxayna tilmaameen inuu weerarkan yahay midkii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkan dhaca.

Afhayeennadda u hadashay wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka, Jen Psaki ayaa xustay in weerarkan uu muujinayo in Al-shabaab u taagan tahay bur-burinta Soomaaliya.

Jen Psaki waxay intaas ku dartay in laga guuleysan doono Al-shabaab, ayna dowladda Mareykanka ka taageerayaan dowladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.

Weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Central ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii u dambeeya ka dhaca Muqdisho, waxaana dadkii ku dhintay ka mid ahaa xubno ka tirsan dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya