4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
C/WELI GAAS: Al-shabaab dhaqan Islaam ma lahan ee waa in lala dagaalamo

http://www.calankamedia.com/cmtool/files/abdiweli-gas.jpg
Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Hotel Central lagu qaaday shalay, iyadoo ay ku dhinteen 25-qo, afartan kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

C/wali Gaas ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid argagixiso, isla markaana uu cadeynayo dabeecada runta ah ee Al-shabaab ay leedahay, wuxuuna ku daray intaas in weerarkaas uu ahaa mid xanuun badan.

“Iyadoo ay tahay maalin Jimce ah dad islaam ah oo tukanayay oo weliba masaajid kasoo baxay inay laayaan waxay ka turjumaysaa sida ay uga fog yihiin islaanimada,” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku daray in kooxda Al-shabaab ay xalaaleysatay dhigga muslimiinta, uuna dhaqankaas yahay mid fool xun.

“Falkaas wuxuu muujinayaa inaysan dad islaam ah ahayn; waxay sidoo kale muujinaysaa inay banaan tahay in lagu jihaado meel kasta oo ay joogaanna lagula dagaallamo lana laayo. Sababtoo ah ajande Soomaaliyeed ma lahan, mid Islaamna ma lahan,” ayuu mar kale yiri Gaas.

Gaba-gabadii madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku sheegay inuu u tacsiyeynayo dhammaan dadkii weerarkaas ku dhintay, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaas ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo xustay inuu ahaa mid ay la beegsadeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku shirsanaa Hotel Central.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya