4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 21, 2015
Baaris lagu sameynayo Weerarkii Hotel Central iyo 25-qof oo ku Geeriyooday


Sabti, Feberaayo 21, 2015 (HOL) — Kulan deg-deg ah oo ay Wasiirrada DF ku yeesheen Muqdisho uuna shir-guddoominayay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay weerarkii Hoteelka Central ee Muqdisho, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Weerarkaas ayaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo ruux is-qarxiyay. Iyadoo weeerarradaas ay ku geeriyoodeen 25 qof oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin, kana mid yihiin laba xildhibaan, iyo ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay weerarkaas 40-qof oo u badan dhaawac fudud oo uu ka mid yahay RW ku xigeenka Somalia, Max’ed Cumar Carte iyo dad kale oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin.

Kulankaan deg-degga ah ayaa lagu dhisay guddi wasiirro ah oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Dhanka kale, waxaa la dhisay guddi amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaanno kusoo sameynaya weerarradaas iyo ciddii fududeysay, si loo qaado tallaabooyin.

Ugu dambeyn, xubnaha kulanka yeeshay ayaa sheegay in falkaas uusan wiiqi doonin kal-soonida shacabka iyo dawladda, lagana shaqeynayo sidii loo gaarsiin lahaa dalka nabad iyo horumar, loona cirib-tiri lahaa argagixisada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya