4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Madaxweyne Xasan oo cambaareeyay weerarkii lala beegsaday Central Hotel


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab.

“Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda kasoo horjeeda ay mar kale dad muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masaajid Central Hotel ku dhex-yaalla. Allaha u naxariisto inta ku dhimatay, kuwa ku dhaawacmayna waxaan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in weerarkan aanu dib u dhac ku keeni doonin hawlaha dowladda Somalia iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana lasii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo kuwa kale ee kasoo horjeeda in Somali ay xasillooni hesho.

“Waan sii wadaynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana hubaa in weerarkan uu mar kale u caddeynayo shacabka Soomaaliyeed in kooxahan u isticmaalaya magaca diinta Islaamka sida qaldan inaysan wax xushmad ah u ahayn diinteenna Islaamka ee nabada ina faraysa, iyagoo dilaya dad muslim ah oo aan waxba galabsan. Ciidammadeenna amaanka oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo shacabka aysan joojin doonin dagaalka kooxahaas ka dhanka ah, inta Somalia ay nabad buuxda helayso,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay sii wadaan gacansiinta iyo la shaqeynta laamaha amniga si ammaanka Soomaaliya oo dhan loo xoojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 11-ruux oo ay ku jireen laba ka mid  ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiye ku xigeenkii dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, waxaa kaloo ay dhaawacyo kasoo gaareen ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia iyo mid ka mid ah wasiirrada xukuumadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya