4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Magacyada Mas’uuliyiintii ku dhintay Qaraxyadii Maanta ka Dhacay Muqdisho


Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumur Furdug) iyo Abdifatah Khaliif Baadiyow oo ka mid ah dadkii manta ku geeriyooday qaraxii manta ka dhacay Moqdisho


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay maanta Central Hotel ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay tiro kalena ku dhaawacmeen.


Xildhibaan Xaaji Cafee
Afhayeenka wasaaradda amniga dowladda Somalia ayaa sheegay in xubno isugu jira kuwa maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaanno ay ku dhinteen weerarradaas.

“Mas’uuliyiinta ku dhintay weerarradan waxay kala yihiin; xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), xildhibaan Maxamed Ducaale Muuse (Xaaji Kafee) iyo guddoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel),” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cismaan.

Xildhibaanka geeriyooday ee Xaaji Kafe ayaa la sheegay inuu bedelay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo sannadkii hore ay kooxo hubeysan ku toogteen meel ku dhow hoteel ay deggenayd.


Maxamed Aadan Guuleed (Caano-Geel) iyo Cabdishakuur Mire Aadan oo kuwada dhintay qarixii manta ka dhacay magaalada Moqdisho


Waxaa kaloo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ku geeriyooday qaraxyadaan laba mas'uul oo ka tirsanaa xukuumadda Somalia, kuwasoo kala ahaa; Cabdi Khaliif Baadiyow oo ahaa la-taliyaha ra’iisal wasare ku xigeen Somalia iyo Maxamed Cilmi oo ka tirsanaa xafiiska RW xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa weerarkan ay dhaawacyo kasoo gaareen dhowr qof oo ay ka mid yihiin; ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia, ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha, Maxamed Cumar Carte iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Axmed Cali Jaamac (Jangeli), kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Waxaa kaloo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarkan Salaad Cali Jeelle oo ka horay u soo noqday wasiirka gaashaandhigga dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya iyo xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo isaguna horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha dowladdii KMG ahayd ee Sh. Shariif Sh. Axmed.

Dhanka kale, waxaa weerarkan oo ay sheegatay Al-shabaab ku dhintay in ka badan 11-qof oo isugu jiray askar iyo shacab, iyadoo weerarradan ay kusoo beegmeen xilli la filayo inuu berri Muqdisho yimaado madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxyadan ayaa isugu jiray mid lagu fuliyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ruux naftiis-hure ah, iyadoo ay ka dhaceen qaraxyadan hoteel si aad ah loo ilaaliyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya