4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay Weerarradii Muqdisho Gilgilay


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa goor-dhow ka hadlay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday hoteel ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya.

Maareeye ayaa xusay in gaari miineysan la dhigay meel ku dhow masjid ay ku tukanayeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Somalia, markii uu qarxayna ay jireen qaraxyo kale oo ay fuliyeen rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

“Gaari miinesyan oo masjidka lagu tukanayay la ag-dhigay ayaa qarxay, markaas kaddibna dad ayaa is-qarxiyay, waxaa halkaas ka dhashay khasaare aad u fara badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somalia.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ku simihii ra’iisul wasaaraha Somalia ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia uu nabad qabo oo xaaladdiisu wanaagsan tahay.

“Dadka ku dhintay weerarradan waxaa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Caana-geel, inkastoo uu tilmaamay in wali dowladdu wado sidii khasaaraha loo tira-koobi ahaan ayna xalaaddu wanaagsan tahay hadda,” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan uu ka mid yahay duulaannada lagu yaqaanno dowladnimada Somalia, shacabka waxaa leenahay buu yiri is-dajiya, xaalada gacanta ayaa lagu hayaa.

“Goobaha bulshada isugu timaaddo sida masaajidada iyo iskuulada ayay la beegsadaan kooxaha nabadda diiddan weerarradooda,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo mar kale xusay in wali dowladdu danjinta xaaladda.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidmada gacanta siinaya ee ka socda ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya