4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
FAAHFAAHIN: Madax ku dhintay qaraxyadii Muqdisho & Shabaab oo sheegtay


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo ay ku jiraan xildhibaan iyo ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday Hoteel Central oo aan ka fogeyn madaxtooyada Somalia, iyadoo ay ku dhawacmeen xubno kale oo uu ku jiro ra'iisul wasaare ku xigeenka Somalia iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanka ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray, Cumar Cali Nuur (Cumar Furtug)waxaa kaloo ku geeriyooday weerarradan guddoomiye ku xigeenkii dhinac siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel), sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dadkii ku dhintay weerarkaas uu ku jiray sarkaal ka tirsan booliiska Somalia iyo C/shakuur Mire Aadan oo wasiir kasoo noqday maamulka Puntland.

Sidoo kale, waxaa weerarkan ku dhaawacmay ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte iyo xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo horay u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha DKMG ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Waxaa kaloo ku dhaawacmay weerarradan wasiirka gaadiidka iyo duuslista hawada DFS, Cali Axmed Jaamac Jangeli oo la sheegay inuu gaaray dhaawac fudud iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia ee dowladihii KMG ahaa, Salaad Cali Jeelle.

Weerarradan ayaa mas’uuliyaddiisa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay la beegsatay qaraxyadan is-miidaaminta ahaa hoteel ay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ku shirsanaayeen.

“Qaraxyadaas waxaa fuliyay ciidamadeenna, waxaana la beegsaday saraakiil ku shirsanaa hoteelka, tiro badan oo xubnaha dowladda Somalia ah ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen,” ayay Al-shabaab hadalkeeda ku sheegtay.

Goobjoogayaal ku sugan goobta ayaa sheegay in laba qarax oo is-xig-xigay ay ka dhaceen hoteelka, xilligaas oo ay dad badan ku joogeen, iyadoo isla markiiba ay isku gadaameen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Cap. Faarax C/llaahi oo ka tirsan sarkaal booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyada kaddib ay is-rasaaseyn gudaha hoteelka ka dhacday, wuxuuna sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo hoteelka lala eegtay.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarradan iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay tageen gaadiidka gargaarka deg-degga ah oo halkaas ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Si kastaba ha ahaaatee, hoteelka weerarrada lagala beegsaday maanta ayaa ka mid ah kuwa sida aadka ah loo ilaaliyo, iyadoo aan la ogeyn cidda gudaha u gelisay hoteelka gaariga uu ka dhashay qaraxa is-miidaaminta ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya