4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Booqashadii Labaad ku Imaanaya Muqdisho


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah ay ay soo gaaro Muqdisho, iyadoo tani ay noqonaysi markii labaad oo Muqdisho yimaado.

Xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa diyaar-garow aad u xooggan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, iyadoo waddooyinka Muqdisho lagu xardhay calammada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ciidamo badan oo kuwa amniga ah ayaa la dhoobay wadooyinka kala duwan ee Muqdisho, iyadoo lagu wado in wafdiga madaxweynaha Jabuuti ay ka qaybgaleen berri oo Sabti ah xuska maalinta Afka Soomaaliga oo Xamar ka dhici doonta.

Waxaa kaloo la filayaa in xafladda lagu xusayo Afka Soomaaliga ay kasoo qayb-galaan wafdi ka socota Kenya iyo deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana socota qabanqaabada soo dhaweynta wafdiyada imaana Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti, Geelle ayaa wuxuu horay Muqdisho u yimid 2011-kii, xilligaas oo ay Muqdisho ka jirtay abaar macluul sababtay oo dad badan ay naftooda ku waayeen.

Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha wafdiga madaxweynaha Jabuuti uu hoggaaminayo iyo wafdiyada kale ee Muqdisho kusoo beegan ayaa kusoo beegmay iyadoo maanta uu ka dhacay Muqdisho qarax ismiidaamin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya