4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Weeraro Ismiidaamin ah oo Goor-dhow lala eegtay Hoteel Muqdisho ku yaalla


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Weeraro Ismiidaamin ah ayaa goor-dhow lala eegtay Hotel Central oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee Muqdisho, iyadoo uuro madow laga arkayo goobta uu qaraxu ka dhacay.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay weeraradan ayaa haddana la sheegayaa in lala bartilmaameedsaday hoteelkan oo ka mid ah kuwa ay inta badan tagaan xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Weerarradan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho laga maqlay, waxaasna qaraxaan kaddib dhaacay rasaas xooggan oo laba dhinac u dhexeysay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo sidoo kale uu weerarku saameyn ku yeeshay hoteelka Nasa-hablood 2 oo dhabarka ku haya hoteelka weerarka lala beegsaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordha qaraxyadan ismiidaaminta ah waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya