4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
DAAWO: Warbixin ku Saabsan Xafiis Isku-xiraya Dadka & Booliiska Hennepin


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Xafiis cusub oo isku xiraya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka iyo booliiska dalkaas ayaa laga hir-geliyay magaalada Hennepin oo ka tirsan gobolka Minnesota oo ah kan ugu badan ee ay Soomaalida Mareykanka ku nool deggen yihiin.

Fiidiyow loogu talagalay adkeynta xiriirka u dhexeeya qaybaha fulinta sharciga iyo dadka ku nool deegaanka oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa ka hadlaysaa mas'uuliyadaha shacabka ka saaran ammaanka, isagoo ka shaqeynaya fursado xubnaha bulshada inay ku xirmaan xafiiska Hennepin County Sheriff.

Sidoo kale, Fiidiyowgan ayaa waxaa ka dhex-muuqda xubno dad xafiiskaas ka tirsan oo bixinaya tilmaamo kaalin ka qaadanaya xoojinta amniga guud ee deegaankaas, wuxuuna soconayaa qiyaastii lix daqiiqo.

"Hennepin waa mid aad u kala duwan oo aan baahida loo qabo inay noqon muraayad u ah bulshooyinka kala duwan ee aanu u adeegno. Wuxuu  fiidiyowgan bixinayaa fariin la xiriirta hab-dhaqan u gaar ah si aanu sii wadi karin in la dhiso kalsoonida iyo xiriirka wanaagsan ee bulshada Soomaalida ah,” ayuu yiri madaxa xafiiska Hennepin County Sheriff oo lagu magacaabo Rich Stanek.

Xafiiska CET ayaa u adeegsan doona kulammada bulshooyinka deegaankaas ku nool uu la yeelanayo filimmo si loo baahiyo dhacdooyinka iyo howlaha uu qabto xafiiskan.

“Degmada Hennepin waxaa deegaan u tahay Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, aniga waxaa la i yiraahdaa Cabdi Maxamed waxaan ka mid ahay kooxda isku xirta xafiiska Sheriff iyo dadweynaha degmadan ku nool, waxaana qaabilsanahay dadka ka imaanaya gobolka Bariga Afrika oo ay Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu yiri Cabdi Maxamed oo ah xiriiriyaha xafiiskan ee Bariga Afrika.

Sidoo kale, Cabdi Max'ed oo Somali ah ayaa sheegay in dadweynaha imanaya Mareykanka ee Soomaalida ah marka ay dalkan yimaadaan inay kala kulmaan dhibaatooyin ciidamada amniga, balse ciidamada shacabka fuliya waa kuwo dadka ilaaliya oo caawiya, isagoo xusay inuu maalin walba la kulmo qaybaha bulshooyinka Soomaalida si aan u ogaado dhibaatooyinka haysta, kaddibna aan wax uga qabto.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in xafiiska Sheriff muxuu qabtaa, waxaana u sheegayaa inuu mas’uul ka yahay qaybta xabsiyada, maxkamada iyo weliba qaybta dambiyada lagu baaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya