4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Arday Dhaqaale Lacageed ugu deeqay Iskuul laga dhisayo Magaalada Xuddun


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Ardayda wax-ka-barata dugsiyada magaalada Laas-caanood ayaa lacag ugu deeqay dugsi sare oo farsamada gacata ah oo dhawaan dhismihiisa laga bilaabay degmada Xudun ee gobolka Sool.

Ardayda dugsiyad hoose, dhexe iyo sare ayaa mid walba wuxuu hal doollar ugu deeqay dhismaha dugsigaas, taasoo ay intooda badan bixiyeen sida uu HOL u sheegay Axmed Cali Faarax oo ka mid ah gudga hawsha iskoolkaasi isku xil-qaamay.

Maamulaha dugsiga Ileys, Cumar Xaaji Xuseen ayaa isagoo ku hadlayay magaca daladda dugsiyada Ilays ayaa sheegay inay talaabadani tahay wadadda horumarka loona baahan yahay in lasii xoojiyo oo dugsiyo ka badan ka loo dhaqaaqo.

"Waan bixinnay qaadhaanka qaybtayadii waxaana diyaar u nahay mar kale inaan ka qayb-qaadanno haddii ay guddiga hawsha wadaa naga soo codasadaan," ayuu yidhi Cumar oo intaas raaciyay in tallaabadda ay reer Xudun keeneen ay ku daydaan magaalooyinka kale.

Sidoo kale, maamulayaasha dugsiyada kala duwan ayaa dhammaantood muujiyay sida ay talaabadan ula dhacsan yihiin waxayna balan-qaadeen in ay sii wadi doonaan taakulada dugsiga ilaa lagu guulaysanayo dhamaystirka.

Guddiga dhismaha dugsiga farsamada gacanta ee degmada Xudun oo ka kooban bahda waxbarashada, bahda caafimaadka iyo waxgaradka degmada ayaa ka guddoomay fasal kasta oo ka tirsan dugsiyada Laascaanood lacag ay ugu talo-galeen dhismaha dugsigaas, iyagoo u mahadceliyay hawsha ay caruurtu qabteen.

Dhanka kale, Axmed Cali Faarax oo ka mid ah guddiga hawshan gacanta ku haysa ayaa wuxuu HOL u sheegay inay hayaan dhaqaale haatan ku filan sida ay filayaan dhismaha iskoolka, balse ay dhiman tahay qalabayntii.

"Waxaan ku tashannay inaan annagu isku tashano oo aanaan qurbo-joog iyo maamulada jira midna xiriir la sameyn si aan u tusno inay bulshadu iyagu wax qabsan karaan,” ayuu yiri Axmed oo intaas ku daray inay qalabeyta la sugayaan qurbo-joogta iyo ciddii kale ee aanu hello.

Ugu dambeyn, howlgalka ay billaabeen waxgaradka degmada Xudun ayaa ah mid si weyn wax uga bedeli kara bulshada gobolka Sool, waxayna dad badani sadaalinayaan inay hor-seedi karto talaabooyin horumarineed.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool