4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 20, 2015
Taliyaha guud ee ciidamada dalka Jabuuti oo booqday Magaalada Buula-burte


Jimco, Feberaayo 20, 2015 (HOL) — Taliyaha guud ee ciidammada Jabuuti Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim oo maanta booqday magaalada Beleweyne, ayaa uga sii gudbay degmada Buula-bure oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka midowgga Afri\ca AMISOM.

Taliyaha waxaa safarkiisa degmada Buula-burte ku wehlinayay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo taliyaha guutada 10-aad ee ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed Col Towane Axmed Gureey, waxaana uu halkaa kulamo kula qaatay saraakiisha ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wax-garadkii ay kulmeen Jen Zakariye ayaa u sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ka jirta degmada tahay xirnaashaha dhamaanba jidadka soo galla, iyaga oo dalbaday in sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto arrintaa iyada ah.

Taliyaha guud ee ciidammada dalka Jabuuti Jen Zakariya ayaa ku amaanay ciidammada Jabuuti ee ku sugan degmada iyo kuwa dowladda Somalia sidda ay uga qeyb-qaadanayaan xoojinta ammniga, waxaana uu dhinaca kala sheegay in marka ay soo dhameystirmaan qeybta labaad ciidammada dheeraad ka ah ee la soo dirayo dhamaanba leysku furi doono gobolka intiisa kale.

“Qayba labaad ciidamada hadda imanaya ujeeddada socdaalkooda waa inay dhameystiraan howlgalka inta ka dhiman, siddaa daraadeed ma sii jiri doono go'doonka ay hadda ku jirto degmada ayuu yiri'' Jen. Zakariye.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa dhiniciisa uga mahad celiyay dowladda Jabuuti is bar bar taaga ay u muujineysa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa uu bogaadiyay howllaha ciidammada Jabuuti ay ka hayaan gobolka iyo sidda ay uga qeyb-qaadanayaa adkeynta ammniga iyo dagaallka ka dhanka ah Al-shabaab.

Degmada Buula-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka waxaa sanadkii aynu soo dhaafnay laga saaray xoogagga Al-shabaab oo wali go'doomin ku haya.

C/ramaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya