4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Degmooyin kawada tirsan Somaliland oo laga sameeyay Maamulo Caafimaad


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa soo qabanqaabisay heshiishka maamul daadajinta adeega caafimaad ee saddex degmo oo ka tisan Somaliland.

Wasaaradda caafimaadka ayaa degmooyinka Burco, Boorama iyo Berbera ku wareejisay sidii ay degmooyinkoodda ugu samayn lahaayeen maamul daadajinta xaga caafimaadka ah, isla markaana maayar kasta masuul ka noqon doonno degmooyinka hoos yimaadda.

Munaasibadan sadexda degmo heshiishkaasi ku saxeexayeen ayaa waxa ay ka dhacday madaxtooyadda Somaliland, isla markaana waxa goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, waxa kael ku wehelinayey Wasiir Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye iyo Wasiirku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cismaan Garaad Soofe, iyo Agaasimeyaasha wasaaradaha qaar.

Sidoo kale saddexda Maayark ee  mashruucan daadajinta adeega caafimaadka laga fulin doonno, isla markaana heshiishkaasi saxeexay waxa kamid ahaa 1. Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin),2. Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi 3. Maayir ku xigeenka Burco, Muxumed Xasan Jaamac (Xoday)

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa Maayaradda degmooyinka kula dardaarmay inay barnaamijkan sidiisa u fuliyaan isla markaana ka faa'iidaystaan Bulshadana uga faa'iidaystaan Qorshahan.

Masuuliyiinta ka socday Degmooyinka Barnaamijkan loo daadejinayo ayaa sheegay inay fulinayaan wixii masuuliyaddoodu tahay ee Barnaamijkan ku saabsan,waxaanay u mahadceliyeen cid kasta oo arrimahan ka soo shaqaysay.

Wasiirka Caafimaadka, Saleebaan Xaglo Toosiye ayaa sheegay in mas’uuliyaddani tahay mid culus, isla markaana la doonayo dadka danyarta ah ee caasimadda u iman Karin adeega caafimaad ay degmooyinkoodda ugu tago adeegga caafimaadku, waxaanu tilmaamy in intii wasiirka lala soo xidhiidhi lahaa toos warbixinada caafimaadka iyo waxa laga qabanayo ay hoos iman doonaan maayiradda heshiishka saxeexay.

Barnaamijka koowaad ee Maamul daadejinta oo lagu fuliyay adeegga waxbarashada ayay Masuuliyiinta iyo madaxweyne xigeenkuba sheegeen inuu si fiican u hirgalay haddana midhihiisa laga dareemayo degaannada la hirgaliyay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland