4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Shir looga hadlayo Xagjirnimada oo berri ka Furmaya Magaalada Washington


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ayaa waxaa berri ka furmaya shir looga hadlayo xagjir-nimada, kaasoo looga hadli doono xagjirnimada iyo sida loola dagaalami karo.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota oo ah halka ay deggen yihiin Somalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, Andrew Luger oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay shirkan iyo saameynta uu leeyahay.

“Kulankani wuxuu fursad yahay magaalooyinka Minneapolis iyo Saint Paul ee Minnesota iyo kuwo kale oo arrintan ku jira, waxaana doonaynaa in dadaalkeenna aan la wadaagno hoggaamiyeyaasha caalamka oo ku howlan ka hortagga xag-jirnimada, si aan innagu wax uga baranno, iyaguna ay wax nooga bartaan,” ayuu yiri Andrew Luger.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in arrintan ay tahay mid tijaabo ah oo ay ka hirgelinayaan magaalooyinka Minneapolis, Saint Paul iyo magaalooyin kale, haddaba dowladda dhexe ee Mareykanka dhaqaale intee le’eg ayay ugu talo-gashay barnaamijka laga hirgelinayo Minneapolis, wuxuuna ku jawaabay.

“Arrintaas waxaan ogaan doonnaa bilaha nagu soo aaddan , balse waxaan xilli walba ku dadaalanaynaa inaan aragtiyadeenna gudbinno. Waxaana dhaqaalaha ku bixi doona kala hadlaynaa hay’adaha lacagta Mareykanka.”

Su’aal kale oo la weydiiyay ayaa ahayd; Dadka qaarkood waxay u arkaan in barnaamijkan uu ummadda kala qaybinayo halkii uu u mideyn lahaa inay ka hortagaan xagjirnimada, wuxuuna Andrew Luger ku jawaabay.

“Barnaamijkan waa mid bulshada ay qayb ka ahayd sameyntiis, waana mid ay doonayaan. Dadkaasna waxay inoo sharxeen waxay rumeysan yihiin oo lagula dagalaami karo argagaxisada, waana mid ay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota-na ay ugu qanacsan yihiin.”

Xeer-ilaaliyaha waddanka Mareykanka ee gobolka Minnesota ayaa diiday inay sirdoonka Mareykanku u adeegsan karaan inay ku urursadaan xogaha bulshada ku nool deegaannada laga hirgelinayo, isagoo sheegay in barnaamijkan uu yahay mid ay bulshooyinka ku nool gobolka Minnesota sameysteen.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaal badan oo caalamka ka imaanaya, iyadoo lagu soo beegay xilli walaac weyn uu ka jiro Mareykanka, kaasoo ku saabsan muslimiinta dalkaas ku nool oo ay Soomaalidu ku jirto ay ku biirayaan kooxda ISIS ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalama.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya