4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Ganacsade Mahdi Cabdi oo ku geeriyooday Magaalada Calgary ee wadanka Canada

Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday Magaalada Calgary ee wadanka Canada Ganacsade Mahdi Cabdi Baajeeyte oo ahaa Ganacsade aad looga yaqiinay magaalada Calgary iyo guud ahaan dalka Canada

Mahdi Abdi oo lagu naaneesi jiray MARCO, ayaa wuxuu ahaa milkiilaha Maqaayada caanka ah ee La Brezza oo  ku caan baxday cuntada dalka Talyaaniga oo ay aad u xiiseeyaan dadweynaha ku nool magaalada Calgary.

Madiina oo ah gabar uu dhalay Mahdi ayaa ku tilmaamtay aabeheed in uu ahaa shaqsi aad u naxariis badan wax badana ka beddelay nolosha dadweyne badan oo adduunka jooga. Waxaanan iloobi karin ayeey tiri Madiin qosolkiisii joogtada ahaa iyo shaqsiyaddiisii. Wuxuuna ahaa aabe ku dayasho mudan.

Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah jaamacadda Calgary (University of Calgary) ayaa ku tilmaamay Marco in uu ahaa shaqsi kor u qaaday magaca iyo sharafta Soomaalida ku nool magaalada Calgary.

Mahdi Cabdi Baajeyte ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa qayptii uu ka qaatay gargaarkii abaaraha ee ku dhuftay dalka Soomaaliya sannadkii 2011 iyo kaalmadii joogtada ahayd ee uu ka geystay Isbitaalka Carruurta ee magaalada Calgary.

Maqaayadda La Brezza ayaa ku guuleystay abaalmarin ay guddoonsiisay sharikadda TRIPADVISORY oo badanaaba abaalmarisa maqaayadaha iyo Hoteelada adduunka.

Mahdi Cabdi Baajeeyte, ayaa wuxuu ku soo barbaaray xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho, wuxuuna muddo kooban ku noolaa dalka Talyaaniga inta uusan u soo guurin magaalada Calgary halkaas uu noolaa muddo Soddon (30) sanno ah. Asxaabtiisii ku taqaanay xaafadda Boondhoore ayaa u yaqaanay DUCAALE kaas oo loogu magac daray cayaaryahankii kooxda Horseed ee Saciid Ducaale ee uuna ka mid ahaa taageerayaashiisa.

Mahdi ayaa da'diisu ahayd 59 jir, wuxuuna ka tagay xaas iyo Seddex carruur ah.