4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Mareykanka oo sheegay in dalalka ay Saaxiibada yihiin uu ka iibinayo Drones


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dalalka saaxiibbada dhow la ah ay ka iibinayso diyaaradaha aan lahayn duuliyaha ee Drones-ka loo yaqaan, iyadoo ay noqonayso markii koowaaad oo Mareykanku uu sheego inuu iibinayo diyaaradahan.

Ujeeddada Mareykanka uu diyaaradahan uga iibinayo ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo wiiqi lahaa kooxaha Al-Qaacida, ISIL iyo Al-shabab oo ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in diyaaradaha uu iibinayo ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagula dagaalamayo xoogagga Al-shabaab iyo IS oo ka dagalaama Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay in sababta ku kalliftay inuu xilliga ka iibiyo dalal kale diyaaradihiisa Drones-ka ay tahay sidii aan suuqa ganacsiga looga awood roonaan, kaddib markii dalka Shiinuhu uu billaabeen inay iibiyaan diyaaradahooda Drones-ka loo yaqaan.

Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhow ula socon doono dalalka uu ka iibinayo diyaaradahan Drones-ka si aan loogu adeegsan wax dhaawacaya sharciga caalamiga ah ee dhanka bani’aadamnimada.

Saraakiil ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Drones-ka uu iibinayo Mareykanka loo adeegsan doono kooxaha ka dagaalama dalalka Somalia, Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Liibiya, sidoo kalena ay qayb ka noqdaan ugaarsiga hoggaamiyeyaasha kooxaha Islaamiga ah ee Caalamka.

Mareykanka ayaa horay uga iibiyay diyaarada Drones-ka dalalka Britain iyo Talyaaniga; iyadoo dowladahaas ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ay ugu yeeraan argagaxisada ee caalamka ka jira.

Machad falanqeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee caalamka ayaa aamisan in adeegsiga diyaaradahan ay sii laba jibaarmi doonto, adeegsigada xilligan la adeegsado. Iyadoo ay ku kici doonto iibinta diyaaradahan lacag dhan 5.2 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ugu dambeyn, saraakiisha Mareykanka weli ma carrabaabin dalalka laga iibin doono diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, balse warar hoose ayaa sheegaya in dalalka laga iibinayo ay ku jirto Masar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya