4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Maanta la Wareegay Xilka (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Wasiirka cusub ee gaashaandhigga DF Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xilkii kala wareegay wasiirkii hore wasaaraddan, Maxamed Sh. Xasan Xaamud, kaddib xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca Somalia, taasoo ay kasoo qayb-galeen taliska guud ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka socotay dalalka dhanka gaashaandhigga ka taageera dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aaden Cilmi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasiirkii hore wax badan uu qabtay muddadii uu xafiiska joogay, isagoo uga mahad-celiyay shaqadii ay soo wada-qabteen, wuxuuna dhanka kale soo dhaweeyay wasiirka cusub ee maanta xilka la wareegay.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna sheegay inuu qalbi furan kusoo dhawaynayo wasiirka cusub ee la wareegaya xilka, C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo ballan-qaaday inuusan  waxba ka hagran doonin wasiirka cusub sidii howshu ay horay ugu socoto, wuxuuna u mahadceliyay laamaha kala duwan ee taliska ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, wasiirka cusub ee gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahad-celin kaddib, wuxuu hoosta ka xariiqay siyaasaddiisa guud ee ku wajahan wasaaradda inay ugu horreyso dib u dhiska ciidamada Qaranka oo isku dheeli tiran.

“Wax-qabadka aad nooga warranteen dalkiinna ayaad u shaqayseen ee ALLE ha idinka abaal-mariyo, annaguna waxaanu ilaahay ka baryaynaa inaanu wax ku darno mooyaane inaanay halkan ay maanta joogto kasoo siibanin,” ayuu yiri Diini oo sidoo kale tilmaamay in xilliga uu xafiiska hayo uu hufnaan ku maamuli doonaan ciidamada.

Ugu dambeyn, C/qaadir Diini wuxuu yiri. “Wasaaradda gaashaandhigga waa tan laga dug-sanayo difaacii dalka, dad badan oo cadow ah ay ugu horreyaan kooxaha argagaxisada ah ayaa dalkeenna dhibaato kawada waa inaanu isku kaashanaa oo aan wadajir uga hortagnaa dhibka ay wadaan.”

Si kastaba ha ahaatee, xil wareejintan ayaa waxay qayb ka tahay qorshaha ay wasiirrada cusub ee xukuumaddu xilalka kula kala wareegayaan, iyadoo uu dalka ka maqan yahay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya