4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Soomaaligii ugu Horreeyay oo loo dhaariyay Guddiga Garoonka Minneaplis-St


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Gellinkii dambe ee Talaadadii shalay ahayd ayaa loo dhaariyay ruuxii ugu horreeyay oo Soomaali ah maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul oo kawada tirsan gobolka Minnesota.

Ibraahim Maxamed ayaa loo magacaabay mid ka mid ah kuraasta 14-ka xubin ee guddiga maamulaya garoonka caalamiga ah ee Twin Cities iyo lix garoon oo kuwa diyaaradaha ah oo ay ka mid yihiin Anoka in Lakeville.

Guddoomiyaha Minnesota, Mark Dayton ayaa xilkan u magacabaay Ibraahim Maxamed in uu noqdo ruuxii ugu horreeyay oo guddigan ka mid noqonaya, isagoo ka shaqeynayay 11-sano garoonka uu maamulkiisa ku biiray.

"Waxaan ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha magaalooyinka mataanaha ah muddo 11-sano ah," ayuu yiri Ibaahim Maxamed oo intaas ku daray. "Shaqadaydii iigu horreysay ee aan ka billaabo garoonka waxay ahayd qaybta nadaafadda."

Ibraahim ayaa sheegay in mudadaas shaqooyinkii uu qabtay ay ka mid yihiin nadiifinta qolalka diyaaradaha, sida musqulaha, inaan tirtiro muraayadaha & waxyaabo kale.

“Lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaan ahaa darawal - shaqaale garoonka diyaaradaha oo caawiya dadka uu socodku ku adkaado,” ayuu hadalkiisa ku daray Ibraahim Maxamed.

Maxamed ayaa ah aabbe dhalay shan caruur ah, wuxuuna guddigan ka mid ahaanayaa illaa sannadka 2019-ka, isagoo xusay inuu rajo weyn ka qabto in adeeg wanaagsan ay helaan dadka ku nool gobolka Minnesota oo Somalidu ay ka mid yihiin.

"Waxaan la hadlaa in ka badan 100 rakaab ah maalintii," ayuu yiri Ibraahim oo intaas ku daray. "Sidaasi darteed waxaan mar walba weydiiyaa arrinta ku saabsan garoonka diyaaradaha iyo sida ay u arkaan adeegyada looga fidiyo garoonka ee ay jecleysteen."

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa dalka Mareykanka qoxootinimo ku tagay sannadkii 2004-kii, isagoo tan iyo xilligaas ka shaqeynayay garoonka uu ku biiray guddiga maamula.

Ugu dambeyn, Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inuu xoogga saarayo sidii ay shaqaalaha garoonka u heli lahaayeen lacago ku filan inta ay garoonka ka shaqeynayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya