4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Shirkadaha Jubba iyo Daalo oo ka hortagaya in Suuqa Soomaaliya laga Saaro


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Shirkadaha diyaaradaha ee Daallo Airline iyo Jubba Airways oo ah shirkado maxalli ah oo ka howlgala Somalia ayaa ku dhawaaqay iskaashi ay ku mideysan yihiin xilli tartan adag uu kasoo wajahayo suuqa duulista hawada Soomaaliya, iyadoo ay suuqa soo galeen galeen shirkado waaweyn oo caalami ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa agaasimaha shirkadda Daallo, Maxamed Yaasiin iyo agaasimaha shirkadda Jubba, Siciid Qeyliye ayaa ugu baaqeen shirkadaha kale ee maxaliga ah inay kusoo biiraan iskaashigooda ay u bixiyeen African Airways Alliance (Isbahaysiga Duulimaadka Afrika).

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka duulimaadyada labada shirkadood ayaa lagu sheegay inay wadarta dadka ay qaadeen ay gaarayaan 250,000 oo qof, iyadoo macaashay lacag lagu qiyaasay 75-milyan oo doollar.

Duulimaadyada ay shirkadahan sameeyaan ayaa ah 13-qad, iyagoo xusay inay doonayaan inay gaarsiiyaan 21-qad, ayna kusoo biirin doonaan dhowr duulimaad oo ay ku tegi doonaan dalalka Itoobiya, Yemen, Sucuudiga iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Madaxda shirkadahan ayaa sheegay inay doonayaan inay diyaaradahooda ku soo daraan labo diyaaradood oo kiro ah oo noocyadoodu kala yahay Air-bus A321-111s iyo Boeing 737-300.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Somalia, Xuseen Cabdi Xalane oo hadlay ayaa sheegey in shirkadahan ay muhiim u yihiin dhaqaalaha Somalia, tahayna in dowladda Somaia ay garab-siiso shirkadaha si aysan suuqa uga saarin shirkadaha kale ee shisheeyuhu leeyihiin.

Ugu dambeyn, Inkastoo ay iskaashato samaysteen shirkadaha Daallo iyo Jubba, haddana magacyadooda kala duwan ayay shirkad walba kusii shaqeyn doontaa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta shirkadahan, iyagoo siyaabo kale iskaashigooda ku wadi doona.

Si kastaba ha ahaatee, Somalia waxaa aad ugu soo kordhaya duulimaad ay sameynayaan shirkado caalami ah, waxaana hadda billowday tartan weyn oo dhinaca duulimaadyada ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya