4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Islaamiyiinta dalka Liibiya oo duqeymo u geystay Xoogagga ka soo Hor-jeeda


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Isbaheysiga Islaamiga ah ee Al-Fajar ee gacanta ku haya magaalada Tripoli ee xarunta Liibiya ayaa markii ugu horreysay diyaarado dagaal ku duqeeyay xoogaga kasoo horjeeda ee uu hoggaaminayo Jen. Haftar.

Diyaaradaha dagaalka Al Fajar ayaa shalay duqeyn la beegsaday garoon ku yaal magaalada Zintan oo saldhig u ah isbaheysiga General Haftar, waxayna burbur u geysteen garoonkaas diyaaradeed.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaallada ka socda dalka Liibiya ee u dhexeeya kooxaha iska-soo-horjeeda ay gaareen meel halis ah iyagoo isku adeegsanaya diyaarado dagaalka, xili ay xaaladda Liibiya sii adkaanayso.

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Jen. Haftar oo taageersan xukuumadda dalkaas ka jirta ee caalamku aqoonsan yahay ayaa horey u haystay tiro diyaaradaha dagaalka ah oo uu ku duqeeyey saldhigyada Isbaheysiga Al-Fajar.

Kooxda Al-Fajar ee gacanta ku haya caasimadda dalka Liibiya ayaa isugu jira xoogaga Islaamiyiinta ah iyo kooxo kale oo dalkaas ka dagaalama, waxayna isku dayayaan inay qabsadaan dalka Liibiya oo dhan, si maamul iyaga hoos-yimaada ay uga dhisaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in manta oo Arbaco ah ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga hadlayaan xaaladda Liibiya ku yeeshaan xaruntooda New York.

Ugu dambeyn, Masar ayaa toddobaadkan billowday duqeymo diyaaraeed oo ay ku beegsanayso xoogagga taageersan kooxda ISIS ee Liibiya ku sugan ayaa yimid kaddib markii kooxahan ay gowraceen 21-masiixiyiinta Masar ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya