4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay u kicitimay dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaling.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo xalay gaaray magaalada Addis Ababa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay, waxayna ka qaybgalayaan xuska 40-guuradii ka soo waregtay markii talada dalkaas laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya, Mingistu Hailemariam.

Afhayeenka madaxtooyada Somalia, Daa’uud Aweyd sheegay in xafladda ay sidoo kale ka qaybgalayaan madax ka socota caalamka, isagoo hadalkiisa ku daray in madaxweynuhu uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayna ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka Somalia ku saabsan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Itoobiya ay kulammo kala duwan la yeeshan madaxda kasoo qaybgalaysa munaasabadda.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo xukuumadda Addis ay horay u sheegtay inay ciidammo dheeraad ah u soo dirayso Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya