4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Howlgallo laga billaabay Waddooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo baaritaanno ah ka sameeynaya jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyagoo baaraya gaadiidka, waxaana ka howlgallada ka hadlay wasaaradda amniga Somalia.

Isgoyska Lambar Afar iyo waddada adda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha ay howlgallada ka wadaan ciidamada amniga dowladda Somalia, iyadoo saakay lagu arkayay ciidammo badan oo baaritaanno sameynaya.

Afhayeenka wasaarada Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgallada ay saaka ka billaabeen ciidamada dowladda waddooyinka dhex-mara caasimadda ay yihiin kuwo amniga lagu adkeynayo.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay in ciidamadu ay si gaar ah ay baaritaanno ugu sameynayaan gaadiidka, wuxuuna intaas ku daray in howlgalkan uu yahay mid ka duwan kuwii hore ee ay ciidamadu sameyn jireen.

“Howlgalka maanta billowday waa mid qorsheysan oo muddo saddex bilk u dhow ay ka fikirayeen xubno loo xil-saaray si amniga loo adkeeyo, waxaana ay soo saareen aag qorsheysan oo ciidamadu ka howlgalaan, waana ciidan tiradooda, tayadooda iyo qalabkoodu u dhan yihiin, sida ay ula dhaqmayaan bulshadana lasoo baray,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka.

Si kastaba ha ahaateen, howlgalladan ayaa imaanaya iyadoo taliskii hore ee nabadsugidda gobolka Banaadir la bedelay, sidoo kalena maalmo ka hor ay ku dileen isgoyska KM-4 kooxo hubeysan saraakiil ka tirsan garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya