4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Duullimaadyadii Qaadkii Muqdisho la Keeni Jiray oo Maanta dib loo billaabay


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) —Duulimaadyadii diyaaradaha Qaadka ee Soomaaliya ayaa dib u soo billowday manta oo Arbaco ah, kaddib dhowr casho oo uu hakad ku yimid dhoofinta Jaadka Soomaaliya looga keeni jiray dalka Kenya.

Ganacsatada qaadka Somalia ayaa saddex casho shaqo-joojin ku sameeyay keenista qaadka Soomaaliya, kaddib markii ay sheegeen in qaadka uu ka qaliyoobay Kenya, halka Somalia canshuurihiisa sare loo qaaday.

“Dib ayaan maanta u billownay ganacsiga Jaadka Somalia la geyn jiray,” ayay tiri Sureer Jaamac oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Jaadka kasoo dhoofiya dalka Kenya oo u warramaysay warbaahinta.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in jaadka oo qiimihiisa hoos looga dhigay gudaha Kenya, lagana dhigay 25-kun, halka markii hore uu ka ahaa 60-kun.

“Waxaanu doonaynay in qiimaha jaadka meesha hadda la keenay laga hoos-mariyo, balse taasi way suuroobi wayday, innagu waxaan go’aansanay inaan dib u billowno ganacsiga Jaadka la geeyo Somalia,” ayay Sureer hadalkeeda ku dartay.

Dhanka kale, waxay sheegtay in balanku ahaa in ganacsatada dhexdooda ay shiraan, taasna ayna dhicin, isla markaana dowladda Soomaaliyana aanay illaa iyo hadda wax ka dhimin canshuurihii ay jaadka kusoo rogtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaaa maanta kasoo dagay diyaarado qaad kala duwan wada, iyadoo waddooyinka caasimadda Muqdisho lagu arkayo ganacsatadii iibin jiray jaadka oo kabarradooda fadhiya, sidoo kalena ay dadku ka iibsanayaan Qaadka.

“Qiimaha qaadku weli waa mid sarreeya,” ayuu HOL u sheegay Nuur Cali oo ka mid ah dadka qaadka cuna, isagoo sheegay inuusan garanayn sababta uu qiimihiisii weli u joogo jaadka, iyadoo la sheegayo in la dhimay lacagihii lagu iibsan jiray.

Si kastaba ha ahaatee, maalin walba ayaa waxaa magaalada Muqdisho iman jiray 16-diyaaradood oo qaad sida, iyadoo saddexii maalmood ee aynu soo dhaafnay aanu magaalada imaan wax qaad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya