4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Qurba-joogta reer Hiiraan oo Baaq u Diray Dowladda Federaalka Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Qurbo-joogta reer Hiiraan ayaa bayaan ay maanta soo saareen ku taageeray mowqifka odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka reer Hiiraan ee ku aaddan gogosha laga furayo Hiiraan ee lagu dhisaayo maamul ka kooban gobolka Shabeellada Sare ee magaalo madax y u tahay Buulo-Burte iyo Gobolka Hiiraan oo magaalo madaxdiisu tahay Baladweyne.

Bayaan ayaa sidoo kale, baaq loogu diray dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu yiri. “Sidaan wada-og-soonahay dowladda Somalia waa mid ku dhisan hab federaali ah, sidaas darteedna aarlamaanka, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia waxaa looga baahan yahay inay tixgaliyaan rabitaanka shacabka reer Hiiraan ee u madaxa-bannaan aayo ka talinta deegaankooda sida uu qorayo dastuurka federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale waxgaradka reer Hiiraan ee Waqooyiga America ayaa ugu baaqay dhammaan xildhibaannada reer Hiiraan, siyaasiyiinta iyo qurbo-joogta inay ka qayb-galaan dhameystirka maamul goboleedka kor ku xusan oo ay gogashiisu taallo magaalada Baladweyne.

Ugu dambeyn, aqoon-yahanadan ayaa ugu baaqaya dowlada Somalia inay ka dhaafto fara-galinta siyaasadeed ee ka baxsan rabitaanka shacabka reer Hiiraan si uu u hir-galo maamulkanu maadama waqti badan uusan ka harin hiigsiga 2016-ka.

MAHADSANID

Golaha Qurba Joogta Hiiraan North America