4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 18, 2015
Xawaaladaha Mareykanka oo Howshoodu Joogsan doonto Khamiista Berri ah


Arbaco, Feberaayo 18, 2015 (HOL) — Iyadoo dhawaan uu joojiyay xiriirkii xawiladdaha Soomaalida kala dhexeeyay Bangigii ugu dambeeyay ee lacgaha lasii marin jiray ayaa la isku dayay inay howlahooda dib u billaabaan, iyadoo ay arrrintan ka shaqeeyeen arrintaa madaxda Mareykanka qaar ka mid ah sida xildhiban Keith Allison iyo rag kale ayaa wax nadiijo ah laga gaari waayay.

Hadaba shir ay isagu yimadeen habeenkii xalay ururka ay ku midaysan yihiin xawalaadaha Soomaaliyeed ee SAMSA ayay go’aan ku gareen inay gabi ahaanba hawlaha lacag diriddu ku ekaan doonto maalinta Khamiista bishan Feberaayo ay ku beegan tahay 20-ka, waxaana arrintaan HOL u xaqiijiayay Saciid Macalim oo ka mid ah madaxda ururka SAMSA kana mid ah xawilaadlayaasha Minnesota.

Sidoo kale, Siciid wuxuu intaas ku daray in gabi ahaan ay xawilaaduhu ay Mareykanka oo dhan ka istaagi doonaan Khamiista berri ah ee soo socota; wixii maalintaas ka dambeeya aanay jirin lacag la diri doono.

Dhanka kale, waxaa socda dadaalladii lagu doonayay sidii loo af-meeri lahaa xayiraaddan oo soo socatay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo loosoo qaadan karo tusaale, in laba sano ka hor uu joojiyay xiriirkii uu la lahaa Xawaaladaha bangigii ugu dambeeyay ee lacagta ay sii marin jireen xawaaladaha kasoo ahaa Sunset Bank.

Xawaaladaha ayaa markaas kaddib waxay lacagaha marin jireen Bangi ku yaalla gobolka California, isagiina toddobaadkan ayuu joojiyay gabi ahaan xiriirkii uu xawaaladaha ay Soomaalidu istcimaasho Soomaalida.

Haddaba, ururka xawilaadaha ay ku mideysan yihiin waxay dadwaynaha ku dhaqan dalka Maraykanka ee Somali-American-ka ah waxay ugu baaqayaan inay madaxdii ay doorteen la xiriiraan ayna ka codsadaan inay wax ka qabtaan arintaan oo sabibi karta xaalad bina'aadinimo inay sababto haddii dhaqaale uu gaari waayo dadka gudaha ku nool.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota