4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Qaramada Midoobay & Bisha Cas ee Qatar oo kawada hadlay Xaalada Somalia


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Wafdi ka socda QM uuna hoggaaminayo dajiraha Somalia ee QM, Nicholas Kay ayaa kala hadlay Qatar Red Crescent (QRC) sidii kor loogu qaado wada-shaqayn; isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenka danjire Kay, Noboru Fernandes de Abreu iyo kaaliyaha howl-galka QM ee Somalia, iyagoo kulan la yeeshay madaxa guud ee hay’adda QRC, Saleh Ali bin al-Mohannadi, xoghayaha guud ee hay’adda, Hamad al-Fayyad iyo madaxa xafiiska QRC ee Afrika, Izedeen Elglal.

Guddoomiyaha QRC, Al-Mohannadi ayaa warbixin ka siiyay wafdiga howlaha gargaarka iyo horumarineed ee QRC ay ka hayso Somalia, isgaoo xusay inay ka go’an tahay hay’ada inay sii xoojiso howlaha ay ka hayso Soomaaliya.

“Hay’addu xilliyadii dambe waxay ka fulisay Soomaaliya howlo kala duwan oo dhinaca samafalka ah, kuwaasoo ay ugu horreeyay bixinta gargaaro dhanka bani’aadamnimada ah,” ayuu yiri Al-Mohannadi.

Sidoo kale, dhinacyadu waxay kawada hadleen xaaladda Somalia, iyadoo uu danjire Kay si aad ah uga hadlay ammaanka, dhaqaalaha, caafimaadka iyo shaqooyinka cusub ee Somalia ay u baahan tahay, isagoo madaxda QRC ku boorriyay inay wada-shaqeyn wanaagsan kala sameeyaan qodobbadan uu ka hadlay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan dalbanaynaa in xukuumadda Qatar, hay’adaha QM ee samafalka ka shaqeeya, gaar ahaan UNHCR iyo UNICEF inay kawada shaqeeyaan sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Somaaliyeed,” ayuu yiri danjire Kay.

Madaxa QRC Al-Mohannadi ayaa isaguna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in barakacayaasha kasoo hayaamay deegaannadoodii in guryo loo dhiso loona sameeyo mashaariic wax-soo-saar leh. Sidoo kalena ay ka shaqeeyaan dib u soo celinta noloshii caadiga ahayd ee Muqdisho.

“Xafiiskeenna Somalia wuxuu hirgeliyay mashaariic badan oo horumarineed oo ay ka mid yihiin; xarun caafimaad oo laga furay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, xaruntaas oo qaabisha 30,000 oo qof bil walba, kuwaasoo ka mid ah dadka ku nool degmada iyo kuwo ka yimaada goobaha ku dhow,” ayuu hadalkiisa ku daray Al-Mohannadi.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa amaanay howlaha howlaha QRC ay ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iskuullada, shaqaaleysiinta macallimiin badan, tallaalada iyo sidoo kale hirgelinta kulleejooyin wax lagu barto.

Ugu dambeyn, wafdiga ka socda Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta QRC ayaa isku af-gartay in Somalia laga fuliyo mashaariic horumarineed inta lagu jiro sannadkan cusub ee 2015-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya