4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Kooxo hubeysan oo maanta Gacansade & Qof ilaalinayay ku dilay Beledweyne

Talaado, Feberaayo, 17, 2015 (HOL)-- Subaxnimadii hore ee saakay ayeey rag hubeysan ku toogteen xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne Xaaji Cumar Max'ud Nuur (Xaaji Quuroow) oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn gobolka Hiiraan iyo qof ilaalidiisa ka mid ahaa.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Max'ed Cisman Cabdi Qalaafoow ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku labisnaa dareyska ciidammada toogteen Xaaji Quuroow xili uu ka soo baxay gurigiisa.

''Rag bastoolado ku hubeysan ayaa toogtay ganacsadaha iyo wiil dhalinyarro ah oo ilaalo u ahaa kaddibna goobta ayeey ka baxsadeen ayuu yiri'' guddoomiyaha degmada Beledweyne oo intaa ku darray in ciidammada maamulka ku raad joogaan raggii dilka geystay.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga cidda ka danbeysa dilka ganacsada qofkii ilaalada u ahaa, hasse ahaatee waxaa xusid mudan in sanadkii hore siddan oo kale weerar la doonayay in lagu khaarajiyo ganacsadaha uu ka soo gaaray dhaawac markii danbe uu ka soo bogsaday.

Xaaji Quuroow ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay ku howlanaa dib-u-dayactirka xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo dhismaha Hool weyn oo lagu qabto shirarka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya