4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Madaxweynaha Somalia oo baaris caafimaad kaddib kusoo laabtay Muqdisho


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo dalka dibaddiisa ugu ambabaxay toddobaadkii lasoo dhaafay arrimo caafimaad ayaa dib ugu soo laabtay saaka Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ay la socdeen xubno kooban oo dowladda ka tirsan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo xilka sii haya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda ayaa kaga hortagay madaxweynaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jirto wax hadal ah oo uu saxaafadda siiyay madaxweyne Xasan markii uu soo gaaray Muqdisho, iyadoo imaanshihiisa uu kusoo beegmayo xilli shalay ay kooxo hubeysan Isgoyska KM-4 ku dileen afar xubnood oo ka tisranaa shaqaalaha waaxda hawada ee garoonka diyaarardaha Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa dalka Jarmalka u tagay baaritaan caafimaad sida uu u sheegay warbaahinta, balse wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyay socdaakiisii caafimaad ma jirto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya