4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Mareykanka oo Muujiyay Walaaciisa ku Aaddan in Daacish ay Gaarto Somalia


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Iyadoo beesha Caalamka ay si weyn uga walaacsan tahay awoodda sii kordhaysa ee kooxda Dacish ayaa waxay xukuumadda Mareykanku ka digtay in kooxdaas ay ku baahdo dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Kadib muuqaal ay soo bandhigeen kooxda Daacish oo ku muujinayeen 21 qof oo ka mid ah Kirishtaanka Masar oo la gowracay ayaa xoghayihii hore ee Kooxda ISIS Mareykanka wuxuu sheegay inay macquul tahay in kooxda Daacish ay ku baahdo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Xoghayihii hore ee gaanshaadhigga Mareykanka, Leon Panetta ayaa sheegay in kooxda ISIS laga cabsi qabo inay ka abuuranto dalalka kala ah Yemen, Nigeria iyo Soomaaliya; taasina caqabad kale ku noqon doonto caalamka.

Panetta ayaa intaas raaciyay in Somalia iyo dalalka la midka ah ay u nugul yihiin inay ku baahdo Daacish, madaama dalalkaas aysan ka jirin xukuumado awood badan leh, isla markaana ay xaalad adag ka jirto.

Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka ayaa ugu dambeyn wuxuu xusay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish uu qaadan karto muddo ka badan 30-sano. Iyadoo Mareykanka dalal kale oo ay xulufo yihiin ay haatan kooxda kula dagaalamayaan dalalka ay ka dhisan tahay ee Ciraaq iyo Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Somalia hadda waxaa ka dagaalama Al-shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida oo ku xoogan dalal dhowr ah, laakiinse haatan khatarta Daacish ayaa u muuqata mid Mareykanka iyo reer Galbeedku ay ka walaacsan yihiin inay Soomaaliya gaarto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya