4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
Dhinacydii Dirirtu ku dhex-martay Degmada Guriceel oo aqbalay Xabad-joojin

Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Guddiga ku howlan dhameynta colaada ka taagan degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa ku guuleystay labada dhinac in ay ku qanciyaan xabad joojin, si marka danbe looga wadda hadlloee wixii khilaaf ah jira.

Guddoomiyaha guddiga dhax-dhaxaadinta Max'ed Axmed  Caalin ayaa warbahinta u sheegay in dhinacyada iska soo horjeeda ka aqbaleen in marka hore xabada la joojiyo wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo hab ku dhisan wadda hadal.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in dagaalka la soo ajaro, waayo labada dhinacba wax dan ah oo ugu jira dagaalka soconaya malaha, sidda daraadeed hadda waxaan ku guuleysanay marka hore bal in aynu xabada joojino, kaddibna waxaan u guda-galli doonaa xalka wixii khilaaf ah ee jira ayuu yiri'' Max'ed Axmed Caalin.

Guddiga dhax-dhaxaadinta u jooga degmada Guri-ceel ayaa laga soo dhax xulay shirka dib-u-hishiisiinta ah ee ka socda degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, kaasoo u gogol xaaraya maamul ay ku mideysan yihiin dadka dega gobollada Galguduud iyo Mudug.

Marka laga soo tago rajada wanaagsan ee guddiga-dhax-dhaxaadintu muujinayaan, ayaa dhinaca kale waxaa wali degmada Guri-ceel dibada uga maqan inta badan qoysaskii ku noolaa kuwaa oo shaki badan ka muujinaya waxa ka iman kara ciidammada dowladda iyo xogagga Ahlu Sunna oo wali isa soo hor fadhiya.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Galguduud ayaa in badan ku cel celiyay in xoogagga ka dagaallamaya degmada Gur-ceel ka tirsaneyn Ahlu Sunna Waljameeca, laakiin yihiin maleeshiyaad doonaya in ay wax u dhimaan nabad-galyada gobolka.

Hasse ahaatee dhinacooda saraakiisha Ahlu Sunna ee degmada Guri-ceel waxaa ay warbaahinta u sheegeen in aysan degmada ku arag ciidammo dowladeed laakiin ay la dagaallameen burcad badeed iyo kooxo maleeshiyaad ah oo dhibaato ku hayay dadka degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya