4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 16, 2015
BOOSAASO: Maxkamada Ciidanka Puntland oo Toogasho ku xukuntay afar qof


Isniin, Feberaayo 16, 2015 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridey siddeed nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Afar kamid ah sideedaas qof waxaa lagu xukumey dil toogasho ah iyadoo afarta kalena lagu ridey xukuna isuga jira xabsi daa'im iyo xabsi ciidan oo mudadiisu tahay inta u dhexeysa toban ilaa shan iyo toban sano.

Eedaysaneyaasha dilka lagu xukumey ayaa kala ah:

1.Maxamed Cabdi Axmed Olol, ina Tiriig Maxamed, 23jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
2.Xaajow Shiikh Nuur Cumar, ina Maleeka Shaandhey, 21 jir ah, ku dhashay Mareerey.
3.Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale Cali (Rabiile), ina Madiina Cabdulaahi, 20 jir ah.
4.Xasan Xuseen Cabdi, ina Farxiyo Xasan, 23 jir ah.

Eedaysaneyaasha xabsi daa'imka lagu xukumey:

1.Aadan Maxamed Yuusuf, ina Sahro Maxamed,  23 jir ah.
2.Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.

Edeysaneyaasha xabsiga ciidan lagu xukumey:

1.Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
2.Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey xukuno kala duwan ku riddey tobanaan qof oo badankoodu ku eedaysnaayeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya